Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadihii aqoonsiga ka guddoomay danjiraha dowlada Jarmalka(Sawiro)

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadihii aqoonsiga ka guddoomay danjiraha dowlada Jarmalka(Sawiro)

daajis.com:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada waraaqihii aqoonsiga kaga guddoomay Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Jarmalka wakiilka uga noqon doonta Soomaaliya, Jutta Gisela Frasch.

Danjire Frasch ayaa warqadaha aqoonsiga ka sokow, waxay Madaxweynaha soo gaarsiisay dhambaal qoraal ah oo ay ka sidday Ra’iisul Wasaare Angela D. Merkel.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, isagoo Danjire Frasch uga waramey xaaladda Soomaaliya iyo dhinacyada ay labada waddan ka iska kaashan karaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale Danjiraha Jarmalka u sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay maalgashi si loo kobciyo dhaqaalaha dalka, dhanka kalena uu doonayo in la soo nooleeyo barnaamijyadii mihnadaha ee Jarmalka uu Soomaaliya ka taageeri jiray si fursado shaqo loogu abuuro dhalinyarada.

Danjire Frasch, ayaa iyana sheegtay in dalka Soomaaliya uu muhiim u yahay caalamka, iyadoo sidoo kalena soo dhoweysey horumarka dhanka siyaasadda ee dhowaan Soomaaliya ay ku tallaabsatey markii la meel mariyay nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta sannadka 2016-ka.

Waxay Danjire Frasch sheegtay in Jarmalka gacan ka geysan doono taageerada dhismaha booliska, xarumo lagu tababaro dhalinyarada dhaqan-celinta lagu sameynayo ee ka soo goosta Al Shabaab, iyo hirgelinta adeegyada aasaasiga ee sahlaya dib u soo noqoshada qaxootiga Soomaalida ee ku jira xeryaha qaxootiga ee waddamada deriska ah.

Sidoo kale Jarmalka ayaa dib u fasaxayaa malaayiin dollar oo horay loogu deeqay Soomaaliya burburka ka hor, lacagtaas oo haatan loo adeegsan doono horumarinta mashaariic kala duwan oo laga hirgelin doono gobollada Soomaaliya.

Labada dal ayaa sidoo kale ka wadahadley sidii la isaga kaashan lahaa adeegyada waxbarashada, caafimaadka, biyaha iyo kuwa kale aasaasiga u ah dib u soo kabashada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambeyntii sheegay in xiriirka iskaashi ee Soomaaliya kala dhexeeya Jarmalka uu gacan weyn ka geysan karo dib u dhiska waddanka.

————-DHAMMAAD—————–



Daud Aweis

Afhayeenka Madaxtooyada

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Email: daweis@presidency.gov.so

www.villasomalia.gov.so

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:50 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada