Madaxweynaha oo soo Bandhigay Hindise Sharciyeed la Magac Baxay Dowladda Furan (VIDEO)

Madaxweynaha oo soo Bandhigay Hindise Sharciyeed la Magac Baxay Dowladda Furan (VIDEO)

daajis.com:-  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay barnaamijka Hindise Sharciyeedka la Magac Baxay Dowlad Furan oo ay dadweynahu su’aal ku weydiinayaan Madaxweynaha iyo Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in dowladda furan looga baahanyahay tixgelinta, dhagaysiga iyo dowlad la wadaagidda Shacabkeeda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay in hufnaanta iyo daahfurnaanta ay qeyb ka yihiin dowlad wanaagga ay Soomaaliya hiigsaneyso.

wuxuuna yiri. “Hufnaanta iyo daahfurnaanta dowladda waa qeyb ka mid ah dhowrista ammaanada, waana sida ay diinta islaamka ina fareyso. Sameynta macluumaadka guud ee dowladda waa mid horseedeysa xog-ogaalnimada muwaadiniinta, hufnaanta maaliyadeed iyo inaan caalamka tusno hadafka aan leenahay inuu yahay sameynta nidaam adag oo isla xisaabtan ku saleysan’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Aqoonyahannada iyo khubaradda ka qeybgashey daahfurka munaasabadan qaran, ayaa fursad loo siiyey inay Madaxweynaya su’aalo ka weydiiyaan qaabka ugu habboon ee barnaamijkan dalka looga hirgelin karo.

Madaxweynaha oo ka jawaabayey qaar ka mid ah su’aalaha , ayaa sheegay in shacabka iyo dowladda loo baahan yahay inay ka wada shaqeeyaan sidii sharciga loo dhowri lahaa, haddii taasi la helana ay hubaal tahay in geeddi-socodka dib u dhiska Soomaaliya uu guuleysanayo.


Waxaa kale oo uu Madaxweynaha ugu baaqey dhammaan hay’adaha dowladda inay waxqabadkooda u soo bandhigaan shacabka si loo abuuro jawi is- aaminaad, daahfurnaan , isla xisaabtan iyo wacyigelinta shacabka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 09:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada