FBI oo dalbatay inay baarto Kiiska Wasiir Hadliye & Xassan Sheekh oo ay tallo gacantiisa ka baxday

FBI oo dalbatay inay baarto Kiiska Wasiir Hadliye & Xassan Sheekh oo ay tallo gacantiisa ka baxday

daajis.com:- Wararka laga helaayo dhanka Wasaarada arrimaha Dibadda Somalia, ayaa sheegaya in Saraakiisha FBI-da mareykanka ka jooga Somalia ee ku howlan baaritaanka Diyaaradda Daallo ay warqad dalab baaritaan ah u gudbiyeen Xafiiska Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud.

Mid kamid ah Saraakiisha ka howlgasha Xafiiska Wasiirka arrimaha Dibadda C/salaan Hadliye ayaa sheegay in warqadaasi lagu dalbaday in FBI loo ogolaado inay baaraan Kiiska lala xiriirinaayo Hadliye, iyada oo aan laga qaadin xasaanadiisa.

Sargaalka waxa uu sheegay in nuqul kamid ah warqadaasi lasoo gaarsiiyay Xafiiska Wasiirka, waxa uuna tilmaamay in Seddexdii maalin ee ugu danbeeyay uu tuhunka qeyb ka noqday Wasiir Hadliye.

Sargaalka oo cilad amni darro aawgeed la baqay in magaciisa loo adeegsado Saxaafada ayaa waxa uu yiri ”Waa arrin xaqiiq ah in qaraxa diyaarada Daallo uu seddexdii maalin ee ugu danbeysay tuhun ku yeeshay wasiirka, waxaa jiray baaritaan hoose oo baryahaanba lagu hayay wasiirka waayo waxaa is biirsaday macluumaadka muujinaayay heerka uu gaarsiisanaa xiriirka Hadliye iyo Abdullaahi Abdisalam Borleh”

”Warqada kasoo baxday FBI-da mareykanka ee xiligaani qeybta ka ah baaritaanka socda kaliya waxaa lagu codsaday in loo ogolaado in baaritaan soconaayo laba maalin lagu sameeyo wasiir Hadliye”
Madaxweyne Xassan Sheekh oo warqadaasi la gaarsiiyay ayaa la sheegayaa in wax jawaab ah uusan wali ka bixin, walow aan la garankarin sababta ugu wacan, hadana waxaa jira guux hoose oo arrintaani ka dhex abuurtay madaxda dalka.

Shalay ayay aheyd markii Saxafi lagu magacaabo Suzan Frazer oo ka howlgala Wakaalladda Wararka ee AP uu qoraal cadeymo leh ku xaqiijiyay in Wasaarada arrimaha Dibadda Somalia ay Abdullaahi Abdisalam Borleh garab ordeysay, iyada oo siisay warqad aqoonsi ah oo muujineysa in Borleh uu yahay la-taliye ka howlgali doona Safaarada Somalia ee Turkiga.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 10:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada