Masjid haweeney Imaam ka tahay oo laga furay Denmark iyo Los Angeles: Video

Masjid haweeney Imaam ka tahay oo laga furay Denmark iyo Los Angeles: Video

daajis.com:- Masjidkii ugu horeeyay ee haweeney Imaam ka tahay ayaa laga furay magaalada Copenhagen ee dalka Denmark, waxaana masjidkaan ku tukan kara ragga iyo haweenka iyadoo aan la kala sooceyn oo qof walba meeshii uu kasoo gaaro ku tukan karo.

Waxaa ka reeban masjidkaan in ragga ay imaam ka noqdaan, waxyana arrintaani ku tilmaameen dumarka ka danbeeyay furitaanka masjidkaan in ay doonayaan sidii ay dumarka ugu dhex muuqan lahaayeen arrimaha masaajidyada oo aysan wax tixgelin ah ka helin kuwa ay ragga hoggaamiyaan.

Sherin Khankan, madaxa maamulka Mariam mosque ee Copenhagen laga furay ayaa sheegtay in wax dhibaato ah u arkin tallaabadaan ay u qaadeen dhinaca diinta, waxayna intaa raacisay in cid kasta masjidka u furan yahay xitaa haddii ay soo gelayaan bey tiri Yuhuudda, Masiixiyiinta iyo dadka kale ee diimaha kale haysta.
Sidoo kale, magaalada Los Angeles ee dalka Mareykanka ayaa masjidkaan mid la mid ah laga furay, kaasoo u dumarka ay hoggaanka u hayaan.

HALKAN KA DAAWO MASJIDKA LOS ANGELES LAGA FURAY


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:31 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada