Qarax Xoogan oo Gil-gilay Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga (VIDEO)

Qarax Xoogan oo Gil-gilay Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga (VIDEO)

daajis.com:- Waxaa Caawa Qarax xoogani oo la rumeysan yahay in uu ka dhashay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ka dhacay magaalada Ankara ee Caasimada dalka Turkiga, qaraxan ayaa waxaa ka dhashay qasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan 28-qof ayaa ilaa iyo hadda la sheegay inay ku dhinteen qaraxa ka dhacay Caasimada dalka Turkiga, waxaa sidoo kale qaraxa ku dhaawacmay in ka badan 60-qof oo qaarkood lasoo sheegayo in ay qabaan dhaawacyo halis ah.



Qaraxa ayaa lala eegtay basas ay saarnaayeen Ciidamo katirsan milatariga dalkaasi oo marayay wado kutaala magaalada Ankara, waxaana qaraxa loo maleenayaa inuu ka dhashay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo wadad dhinaceeda lagu sii diyaariyay.

Dalka turkiga ayaa waxa uu dagaal kula jiraa ururo badan oo ay ka mid yihiin ururka dib u xoreynta Kurdistan ee PKK iyo ururka daacish oo ka dagaalama gudaha dalka Suuriya.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:34 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada