Sababta Gabdhaha Somalida Qaarkood Ay U Guursadaan Ragga Nigerian-ka Ah

Sababta Gabdhaha Somalida Qaarkood Ay U Guursadaan Ragga Nigerian-ka Ah

daajis.com:-Guurku sidiisaba waa calaf noolashuna waxay ku dhisantahay isfaham. Tan iyo burburkii wadanka Somalia, dadka Soomaalida ah waxay ahaayeen kuwa ku fidaya daafaha dunida, inta badan wadamada caalamkana waa ay ku noolyihiin waana dad dhex gala hadba wadanka ay tagaan bulshada ku nool.guurka ajaanibta.

Waayadaan dambe ayaa waxaa soo badanayay dumarka Soomaalida ee guursada raga ajaanibta. 

Waxaan mudo bil ka hor ah la kulmay gabar Somali ah oo ku nool wadanka Canada, isbarasho kadib waxaan ogaaday gabadhaan in la qabo oo ay u dhaxdo nin u dhashay dalka Nigeria oo isaguna ku nool  isla Canada.

Gabadhaan oo aan jeclayn magaceeda inaan shaaciyo, ayaan dhowr mar la sheekaystay waana wada kaftanay, mar aan weydiiyay su’aal ah  sababta ku kaliftay inay guursato nin ajanabi (nin aan soomaali ahayn)  ayay waxay sababta ku macneeysay in Soomaalidu yihiin cunsuriyiin, waxay ii sheegtay in waqti la joogo 8 sano in xiriir jaceyl ku dhexmaray magaalada nairobi iyada wiil kaloo Soomaali ah kaasoo ay ku heshiiyeen inay isguursadaan balse waalidkiisu diideen in guurkaan dhaco madaama iyadu  kaasoo jeedo mid ka mid ah qabaa’ilka la yaso Soomaalida dhexdeeda ee aan laga guursan.

Gabadhaan ayaa tiri: “Run ahaantii aad yaan u niyad jabay waxaase kaaga sii daran wiilkii aan isjeclayn, 10 beri kadib waxaa loo guuriyay gabar ay jifo ahaan isku dhawyihiin qoyska isaga dhalay. dhacdodaas ayaa igu kaliftay inaan ka dhaarto guurka raga Soomaalida”

“Wiilkaan aan is guursanay waa Wiil Islam ah qoyskiisana waa  Muslim hoyadiisa iyo walaalihiisa waan aqaanaa waxa uu ka yimid waqooyiga Nigeria.”

Dumarka Soomaalida ah ee raaca nimanka ajaanibta ayaa ku eedeeya raga Soomaaliyeed inay yihiin kuwo aan la’isku haleyn.

eedaymaha kale ee raga Soomaalida loo jeediyo ayaa waxaa ka mid ah inaysan badankoodu ahayn kuwo romaantik ah iyo inay intooda badani balwad leeyihiin.

Hoos ka daawo muuqaal ku saabsan nin Nigerian ah oo isku dayay inuu shukaansado gabar Somali ah oo ay tareen isla Saarnaayeen balse iska caabin xoogan kala kulmay
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada