Saraakiil ka socda FBI-da Mareykanka oo baadhaya Qaraxii diyaarada Daallo

Saraakiil ka socda FBI-da Mareykanka oo baadhaya Qaraxii diyaarada Daallo

daajis.com:- Koox yar oo ka socda FBI-da Mareykanka ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, si ay uga qeyb qaataan baaritaanada lagu haayo diyaaraddii Daallo Airline, kadib markii  qarax  uu gudaha diyaarada ka dhacay, xilli ay hawada ku jirtay.

Saraakiisha Hey’adda Saadaasha Hawada ee Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in khubarada ka socda Mareykanka ay u yimaadeen in la ogaado waxa dhabta ah ee uu ahaa shilka ka dhacay diyaaradda Daallo.

Agaasimaha Hey’adda Saadaasha Hawada C/wahaab Sheekh Cumar ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka dalbatay Mareykanka inay ka saacido baaritaanka diyaaradda “Waxaan dooneynaa in baaritaan dhab ah in la sameeyo, si loo qanciyo shacabka, isla markaana ay soo baxdo natiijo sax ah” ayuu yiri Agaasimaha.

Sidoo kale baaritaanada ayaa waxaa qeyb ka ah Saraakiil Soomaali ah oo lagu soo tababaray dalka Britain iyo Saraakiil ka socda dalka Gariiga.
Duuliyihii Diyaaradda Daallo ayaa sheegay in waxa diyaarada ka dhex dhacay ay yihiin qarax, halka Saraakiil Mareykanka ay qabaan in waxa gudaha Diyaarada ka dhacay ay yihiin qarax, isla markaana la helay maado waxyaabaha qarxa sameysa oo ah TNT.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:12 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada