MUUQAAL: Hooyo Soomaaliyeed oo ku nool Ingiriiska oo sheegtay in Muqdisho wiilkeeda loo diiday iyo cida soo celisay

MUUQAAL: Hooyo Soomaaliyeed oo ku nool Ingiriiska oo sheegtay in Muqdisho wiilkeeda loo diiday iyo cida soo celisay

daajis.com:- Xaliimo Koowsar Qaasim Waa hooyo Soomaaliyeed oo ku nool dalka Ingiriiska ayaa waxaa la sheegay inuu wiilkeeda uu dhibaato kala kulmay dalkaas Ingiriiska isagoona dhowr jeer ay xabsiga dhigeen booliiska dalkaas Ingiriiska ka dibna ay hooyadaas codsatey in wiilkeeda dib loogu celiyo dalkaas Soomaaliya taas oo keentay in loo musaafuriyo magaalada Muqdisho.


Howlwadeenada garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayay sheegtay inay  dib ugu soo celiyeen wiilkaas dalka Ingiriiska ka dib markii ay sheegeen inuusan u muuqan qof Soomaali ah oo muuqaalkiisu uu u eg yahay qof Nayjeeriyaan ah.

Ugu dambeyntiina iyadoo hooyadaas Soomaaliyeed wiilkeeda lagu Cunsuriyeeyey muuqaalkiisa maadaama uu ahaa qof ka dhashay beesha Jareer weyne ayaa waxaa arin lala yaabo ah in qof Af Soomaali ku hadlaayo oo u soo noqday dalkiisa islamarkaana raba inuu ku soo noqdo in laga hor istaago loona sheego inuusan ahayn Soomaali, Hooyada dhashay wiilkaas ayaa waxaa kale oo ay sheegtay inay isku dayeen wax walba inay cadeeyaan inuu wiilkeedu yahay Soomaali dhab laakiiinse aysan taasi suuro gal noqon, Wiilkaan ayaa markii laga soo celiyey Soomaaliya waxaa dib loo dhigay Xabsiga oo uu wali ku jiro.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada