daajis.com:- Laamiga hormara Xerada Ciidanka cirka (Afesiyooni) ee ka yimaada dhanka Km4 ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta ka dhacay shil gaari oo uu kaa uu ku dhintay Sargaal katirsanaa Wasaarada Maaliyada ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.
Sargaalkan shilka ku geeriyooday ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdi Yuusuf, waxa uuna katirsanaa Wasaarada Maaliyadda Qeybta Kastamka Dekeda Weyn ee Maagalada Muqdisho.
Shilkan dhaliyay geeridan naxdinta leh ayaa yimid kadib markii gaarigan oo xoog ku socday uu ka baxay jidkii uu saarnaa kuna dhacay mid kamid ah Baalayaasha Cadceeda ku shqeeya ee laamiga habeenkii ifiya.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 03:30 and have
, Published at