Ugaaska Beesha Xawaadle oo Shuruud Ku xidhay Madaxwayne Xasan Sheekh

Ugaaska Beesha Xawaadle oo Shuruud Ku xidhay Madaxwayne Xasan Sheekh

daajis.com:- Xogta laga helayo magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan oo ku saabsan shirkii gaarka ahaa ee dhex maray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ugaaska cusub ee Beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa sheegaya in Ugaasku ka hor yimid qorshaha Madaxweynaha Soomaaliya ee ahaa in dib loo furo shirka Jowhar.

Ugaaska ayaa madaxweynaha u sheegay inta aan la tegin Jowhar ay tahay in laga wadahadlo oo la isla meel dhigo, caasimadda maamulka la dhisayo, halka shirkuka dhacayo iyo cidda madaxweyne noqoneysa, arrimahaas oo laba kamida uu madaxweynuhu wareegto ku soo saaray.

Kulan saacado qaatay oo madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ugaaska dhex maray ayaa ku soo dhammaaday natiijo la’aan, waxaan kadib la isla gartay inaysan suuragal in madaxweyne lagu doortay Jowhar oo ka qeyb galo shirka Turkiga, taasina ay keentay in lagu balamo shirkaas kadib in la sii wado wadahadalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Muqdisho ku laabtay isagoo rajadiisa shirka Jowhar inuu dib u furmo ay ceel ku dhacday, waxaana laga war sugayaa in bisha Maarso dib loo furo shirka haddiiba lagu heshiiyo arrimaha la isku hayo.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada