War Deg Deg:- Doowlada Federaalka oo shaacisay qaabkii loo qarxiyay Diyaarada Daalo & Ninkii qarxiyay

War Deg Deg:- Doowlada Federaalka oo shaacisay qaabkii loo qarxiyay Diyaarada Daalo & Ninkii qarxiyay

daajis.com:- Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada DF, Ali Jaamac Jangeli, oo goordhow shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa shaaciyay in Diyaarada Daalo Airlines ee kujirtay duulimaadka D3159, loo adeegsaday qarax is-miidaamin ah oo lagu geystay Kambuyuutar Laptob ahaa oo lagu soo rakibay waxyaabaha qarxa.

Wasiirka ayaa sheegay in Is-miidaamiye watay Laptob ku cabeysan waxyaabaha qarxa uu ka dambeeyay qaraxii ka dhacay Diyaarada Daalo Airlenes.

Khabiirada Ajnabiga ah iyo kuwa Soomaaliyeed ee baaritaanka ku sameeyay Diyaarada Daalo, ayaa cadeeyay in ninka Odayga ah ee ka dhacay diyaarada uu ahaa qofka qaraxa geystay ee is-miidaamin rabay.

Ninkaan is-miidaamin rabay, ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Cabdulaahi Cabdisalaan Boorle, waxaana uu ahaa ganacsade degan magaalada Hargeysa da’diisana lagu sheegay 55 jir.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:49 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada