Wasiiru Dowlaha Arimaha Gudaha oo Shaaciyay in Sharciga Xisbiyada Siyaasadda uu Diyaar Yahay

Wasiiru Dowlaha Arimaha Gudaha oo Shaaciyay in Sharciga Xisbiyada Siyaasadda uu Diyaar Yahay

daajis.com:- Iyadoo dhawaan Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay meel mariyeen Sharciga Axsaabha Siyaasadeed ee uu dalka yeelan karo, ayaa waxa ay Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Federalka Soomaaliya ayshaacisay in Sharcigaasi uu diyaar yahay oo uu sugayo oo kaliya ansixinta Golaha Baarlamaanka.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Maxamed Xidig ayaa sheeegay in Wasaaraddu ay Baarlamaanka horgeyn doonto sharciga xisbiyada Siyaasadeed


Waxa uu tilmaamay in Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliya ay Xisbi Siyaasadeed u aqoonsanayso cidii soo buuxisa Shuruudaha Sharciga uu qeexaayo, cidii aanan buuxina aysan noqon karin Xisbi Siyaasadeed.

Wuxuuna yiri:- “Sharci ayaa jiro oo ay Wasaaraddu diyaarisay kaasi oo dhawaan ay meel mariyeen Golaha Wasiirada waxaana u gudbin doonaa Golaha Baarlamaanka, iyadoo marka uu meel mariyo sharcigan uu noqon doonto mid dhaqan galaya, isla markaana ciddii soo buuxisa sharuudaha sharciga loo aqoonsan doono xisbi siyaasadeed.”
Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka ka jira ayaa hada laga doonayaa inay buuxiyaan Shuruudaha ku qoran Sharciga, inkastoo Wasaaradu aysan weli soo bandhigin nooca ay yihiin Shuruudahaasi.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada