Xaaskaada Xalaashaa, Waqti Kasta iyo Meel Kasta Oo Jirkeeda Ka Mid Ah Ayaad Kaga Raaxeeysan kartaa, Meelaha iyo Waqtiyada Uu Sharcigu Diiday Mooyee++Warbixin Xasaasi Ah

Xaaskaada Xalaashaa, Waqti Kasta iyo Meel Kasta Oo Jirkeeda Ka Mid Ah Ayaad Kaga Raaxeeysan kartaa, Meelaha iyo Waqtiyada Uu Sharcigu Diiday Mooyee++Warbixin Xasaasi Ah

daajis.com:-Gabadha aad xalaasha ku qabtid, waqti kasta iyo meel kasta oo jirkeeda ka mid ah ayaad kaga raaxaysan kartaa, meelaha iyo waqtiyada uu sharcigu diiday mooye Inta aynan u gudo gelin, ka hadalka mowduuceena maanta oo ku saabsan isutagga labada is qabta oo si xalaasha ah isku qaba aan caddayno,in diinteena islaamka aysan jirin wax ay ka tagtay,macnaha wax walba wuu ku dhan yahay.

Allah wuxuu yiri: kitaabka (qur’aanka) wax aan ka tagnay ma jiro, macnaha wax walba waa laga helaya (suuradda Al-Ancaam, aayad lambar 38), qofka muslimka ahna ma aaminsana in diinta wixii laga rabana laga qaato, wixii aan laga rabina laysaga tago.

Allah wuxuu yiri:kuwa ku kufrinaya Allah iyo rusushiisa ayna doonayaan in ay kala saaraan Allah iyo rusushiisa,waxay leeyihiin: qaar baynu rumayni qaarna weynu diidi (suuradda Annisa’, aayad lambar 150), sidoo kale qofka muslimka ah ma aaminsana in diimaha kale wixii ka fiicana laga soo qaato wixii aan ka fiicnayna laga tago,taasi macneheeduna waxay noqonaysa in diinta islaamka aysan dhammaystirnayn oo u baahan kabid,Allah wuxuu yiri:maanta ayaan idin dhammaystiray diintiina,waxaana korkiina idinku taam yeelay nicmadeyda,waxaana idinka raalli noqday islaamka (suuradda Al-Maa’ida,aayad lambar 3).

Galmada ama isutagga ninka iyo naagta oo si xalaasha ah isku qaba waxay kordhisa jacayl iyo degganaan,waxay abuurta kalsooni iyo kala danbayn, waxay nafsadda labada qofood gelisaa farxad iyo fayoobi,hayeeshe jugta iyo jacda joogtada ah ee u dhexeeya labada is qaba waxaa sabab u ah waxyaabo fara badan, waxaana ka mid ah:hadduu ninku uusan naagtiisu ka maqsuudin karin dhinaca galmada iyo raaxaysiga,sidoo kalena naagta waa in ay ninkeeda maqsuudisa una raaxaysaa, caalimkii ibnu qayim Allaha u naxariiste, wuxuu kitaabkiisa daawada nebi Muxammad sallallaahu caleyhi wasallama uu ku sheegay:in takhaatiirta fadliga badan ay caddeeyeen in galmada ay ka mid tahay waxyaabaha uu qofku ku helayo caafimaad wanaagsan, waxaa kaloo si cilmi ah loo ogaaday in buuqa ama qaylada uu yahay cadowga kowaad ee rabitaanka galmada, qoysaska intooda badana waxaa ka dhex jira qaylo iyo buuq, taasoo hakad gelin karta raaxaysiga labada dhinac,waxaa kaloo la xaqiijiyay in buuqu uu keenayo in galmadii qofka (nin iyo naagba) ay ka yaraato ama in uusan danba ka gelin wax isu tagid ah.

Rabitaanka galmada ee bani’aadanka waxay leedahay labo weji oo si caddaan ah u qeexan, midna waxay salka ku haysa dhawritaan iyo xaqiijin farxadeed ee shakhsiyadda qofka ah, kaasoo sal u ah jacayl iyo is faham,anshax iyo caqli,waana u lagama maarmaan waxyaabahaas iyo wax la mid ahba bani’aadanka ku sifoobay bani’aadanimada,wejiga kale:

waxay u horseedaysa fasahaad iyo xumaan, waxayna khalkhal gelinaysa socodka bulshada iyo isku xirnaan la’aantiisa,marka danbana waxay keenaysa bulshadii oo kala furfuranta dabadeedna uu fasaadku bato,galmada noocaas oo kale ahna laguma helayo liibaan adduuneed iyo mid aakhireedba.

Waxaa jira rag fara badan oo rumaysan waxyaabo khuraafaad ah iyagoo khuraafaadkaasi u isticmaala marka ay u tegayaan oo ay la galmoonayaan haweenkooda,waxayna sameeyaan waxyaabo badan inta uusan dhicin galmada si ay xoog u yeelato galmadooda, qaar kalena oo ragga ka mid ah waxay isticmaalaan daawooyin marka ay u galmoonayaan haweenkooda, bartamihii bishii april sannadkii 1998kii ayaa dalka Mareykanka ahi laga soo saaray kiniini (tablet) lagu magacaabo VIAGRA.

kaasoo la sheegay in qofkii isticmaala uu helayo awood kacsiyeed, macnaha awooddiisa galmada ay xoog yeelanayso, isla maalintii la soo saaray kiniinigaa ayaa takhtar Mareykan ahi wuxuu u qoray ilaa shan boqol oo ruux oo wada ciniin (impotents) ahaa, dad badana waxay saf u galeen farmashiyeyaasha lagu iibiyo VIAGRA, haba u badnaadeen dadkii iibsanaayay odayaashe.

Sida la ogsoon yahay raggu waxay ku degayaan dumarka,sidoo kalena dumarku waxay degganaansho ka helayaan ragga,Allah wuxuu yiri: haweenka waxay idin yihiin dhar, idinkuna dhar baad u tihiin (suuradda Al-Baqara,aayad lambar 187), macnaha dumarku waxay laxaaf ama buste u yihiin ragga,sidoo kalena raggu waxay dumarku u yihiin buste ama laxaaf, macnaha ninka iyo naagta wey isku baahan yihiin oo wey isdhexgelayaan weyna isku tegayaan oo meeshii uu Allah ugu talogalay raallina uga dhigay buu ninka uga tegayaa marwadiisa isagoo la galmoonayo,ninkuna markuu u tegayo ooridiisa oo uu la galmoonayo waxaa lagama maarmaan ah in uu ka qaado dharkeeda oo dhan iyagoo isla huwanaaya oo dhexgalaya hal maro, galmada ka horna waxaa loo baahan yahay in la kaftamo laysna cayaarsiiyo,ninkuna uu taataabto una raaxeeyo naagtiisa habna siiyo isla markaana uu dhunkado kuna soo boodin sidii xayawaanka oo kale,waxaana naagta la qabo laga doonaya inta aysan dhicin galmada in ay isa soo carfiso isna soo qurxiso dhar khafiif ahna ay soo xirato,si uu jacaylka u kordho galmaduna u wanaagsanaato, waxaa kaloo loo baahan yahay in labada sidaa u raaxaystay, hal go’na wada huwaday,hal sariirna wada koray in aysan cid kale uga sheekayn wixii habeenkii dhex maray, inkastoo la arki karo qaar iimaankoodu daciif yahay in ay dadka ugu sheekeeyaan wixii xalay ka dhacay sariirta.

Su’aasha ay dad badan is weydiinayaan waxay tahay:ninku ma ku raaxaysan karaa naaska marwadiisa,haddii ay noqon lahayd taataabasho iyo haddii ay noqon lahaydba in uu dhuuqo ama uu jaqo, su’aashaa waxaa la weydiiyay culumo badan,culumada la weydiiyay waxaa ka mid ah guddiga fatwada ee Sucuudiya, madaxna u ahaa bin Baz Allaha u naxariiste, waxayna culumadaasi ku jawaabeen:

Ninku wuxuu naagtiisa ugu raaxaysan karaa sidii uu doono,meel ka xaaraan ahna ma jiro, meelaha la xarrimay mooye,ninku wuu dhunkan karaa naagtiisa,waa taataaban karaa waana fiiri karaa, naaskeedana wuu jaqi karaa ama nuugi karaa,waxayna soo galaysaa meelaha lagu raaxaysan karo, wax xarrimaayana in ninka uu naaska xaaskiisa nuugi karo lama sheegin, hayeeshe wuxuu sharcigu caddeeyay,in uu ka fogaadaa,xagga danbe ama daboda, laakiinse qaar culumo kale,waxay raacsiiyeen haddii uu ka fogaadana arrinkaasi,macnaha jaqidda naaska wey fiican tahay,musnadka imaam Axmed iyo sunnooyinka abu Daawuud waxaa ku xusan xadiis uu soo weriyay abu Hureyra Allaha ka raalli noqdee, kaasoo sheegaya in rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri:waa malcuun qofkii dumarka ka isticmaala ama uga taga xaggeeda danbe, sheekh Albaani wuxuu xadiiskan uu ku saxiixay kitaabkiisa saxiixul jaamic.

Waxaan kaloo aan dumarka looga tegi karin meelaha sharciga ah,haddii ay qabto xaylka ama caadad dhiigga,iyo nifaaska (dhiigga dhalmada la yimaada) Allah wuxuu yiri:waxay ku weydiinayaan xaylka, waxaad ku tiraahdaa waa dhib ee ka fogaada meesha caadada,hana u dhowaanina ilaa ay iska daahiriyaan,markay daahir noqdaana, uga taga meesha uu Allah idin faray (suuradda Al-Baqara, aayad lambar 222), waqtiyada kale ee aan la isku tegi karin waxaa ka mid ah marka lagu jiro xajka iyo cumrada iyo marka la sooman yahay.

Ibnu Baz Alaha u naxariiste wuxuu fatwadiisa ku sheegay:in aysan dhib lahayn, hadduu ninku uu naagtiisa ka jaqo naaskeeda, haddii uga soo baxana caano wax dhib leh ma’ahan, jumhuurka ahlu cilmiguna waxay qabaan:in nuujinta qofka weyn aysan wax raad ah ku dhaafayn, laakiinse waxaa ka fiican in la iska daayo, macnaha in aan la nuugin,haddiise uu u jaqayao si cayaarsiin ah ama jacayl ah, wax dhib leh kuma jiro,guurkuna wax uma dhimayo, waana ninkeda ee ma’ahan cunuggeeda.

Waxaa laga yaaba in dad badan ay soo daliilsadaan xadiis uu abu Mansuur Al-Daylami ku soo saaray musnadka Al-Firdoos soona weriyay Anas Allaha ka raalli noqde kaasoo sheegaya:in nebiga sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri: qofkiina yuusan naagtiisa ku dhicin, macnaha ku boodin sida ay xayawaanku sameeyaan oo kale,waana in ninka iyo naagtu u dhexeeyo adeege, nebiga sallallaahu caleyhi wasallama waxaa la weydiiyay, waxa loola jeedo adeege?
wuxuu nebigu ku jawaabay:dhunkasho iyo hadal, macnaha baasho iyo baashaal, kelmadda baasho waxay ka timid BACIO waana af Talyaani, waase la af-Soomaaliyeeyay, waxaana loola jeeda dhunkasho,baashaalna waxaa loola jeeda madadaalasho,xadiiskan waa xadiis munkar ah, wuxuuna sheekh Albaani ku sheegay kitaabkiisa silsilada axaadiista daciifka ah,waxaa kaloo xadiiskan munkar ku sheegay Al-Xaafid Al-Ciraaqi wuxuuna ku sheegay kitaabkii uu takhriijka ku saaray ee Ixya’ culuumudiin oo uu qoray abu Xaamid Al-Ghazaali, waxaa kaloo jira xadiis uu soo weriyay Cabdullaahi ibnu Cabbaas Allaha ka raalli noqdee kaasoo sheegaya in nebiga sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri: hadduu midkiin la galmoodo marwadiisa yuusan eegin ferjigeeda, maxaa yeelay wuxuu ka qaadaya amaba uu ka dhaxlaya indhoolanimo, sheekh Albaani wuxuu xadiiskan uu ku tilmaamay in uu been abuur yahay, wuxuuna ku sheegay kitaabkiisa daciiful jaamic.

Waxaa sunne ah in ninku marka uu damco oo uu naagtiisa la galmoonayo uu yiraahdo inta uusan dhexgelin oo uusan la galmoon sida nebigeena Muxammad sallallaahu caleyhi wasallama aynu ka baranay: bismillaahi,kaddibna uu yiraahdo:Allahayow naga fogeey shaydaanka kana fogeey wixii aad na siisid,haddii ay markaasi ilmo helaan oo uu Allah u qoray,
shaydaan weligiis wax ma yeeli doono,imaam Bukhaari iyo imaam Muslim Allaha u naxariiste ayaa xadiiskan waxa ay ku soo saareen saxiixooda, waxaana soo weriyay Cabdullaahi ibnu Cabbaas Allaha ka raalli noqdee.
Waxyaabaha muhiimka u ah galmada waxaa ka mid ah:-In qofku uu niyaysto in ficilkaa galmada ee sharciga ahi uu naftiisa iyo ehelkiisaba ka ilaalinayo xaaraanta,imaaam Muslim saxiixiisa waxaaa ku xusan xadiis uu soo weriyay abu Dar Al-Ghafaariyi Allaha ka raalli noqdee,kaasoo sheegaya in rasuulka sallallaahu caleyhi waallama uu yiri: galmada uu qofku la galmoonayo ehelkiisa waxay noqonaysa saddaqo, markaas baa nebiga la weydiiyay:shahwada uu midkeen la imaanayo oo uu ehelkiisa la galmoonayo ma wuxuu ku helayaa ajar? wuxuu nebigu ku jawaabay:haddii uu qofkiin shahwadiisu dhigo meel xaaraan ah,miyaanay denbi ahayn?,sidaasoo kale ayuu ajar uga helaya haddii uu dhigo meel xalaal ah.

-Wax dhib ah laguma sheegin in naagta marka lala galmoonayo laga yimaado dhinacii la doono,macnaha meel kasta meesha uu ninka ka doono ayuu naagtiisa kaga imaan kara,iyadoo laga fogaanayo in naagta laga isticmaalo sidii aan soo sheegnayba xagga danbe (daboda),sida ku xusan saxiixu Muslim Jaabir bin Cabdullaahi Allaha ka raalli noqdee, wuxuu yiri: Yuhuuddu waxay oran jireen:haddii uu ninku gadaal uga yimaado naagtiisa (isagoo ujeeddadiisu tahay meesha uu Allaha ugu talogalay) wuxuu cunugga dhasha uu noqdaa iley, markaasuu Allaha yiri:haweenkeenu waxay idin yihiin sida beertiina oo kale,beertiinana uga imaada hadba sidii aad doontaan (suuradda Al-Baqara,aayad lambar 223),beertana waxaa loola jeeda ferjiga.

-Markii uu ninku u tago ehelkiisa,haddana uu damco in uu mar labaad ku noqdo,waxaa fiican in uu weesaqaato, imaam Muslim saxiixiisa waxaa ku xusan,xadiis uu soo weriyay abu Saciid Al-Khudriyi Allaha ka raalli noqdee,kaasoo sheegaya in nebiga sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri:

Haddii uu midkiin ehelkiisa u tago dabadeedna uu damco in uu ku laabto, macnaha uu markale la galmoodo ha weesaqaato oo ha u dhexaysiiyo labada galmood weeso, taasina waxay dardar gelinaysa ku noqoshada,haseyeeshe arrintaasi ma’ahan wax waajib ah balse waa wax wanaagsan.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 11:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada