Arimahaan Haweeney Waliba Waa Ay Dooneysaa In Ninkeeda Ay Ka Hesho .

Arimahaan Haweeney Waliba Waa Ay Dooneysaa In Ninkeeda Ay Ka Hesho .

daajis.com:-Ninka waa goobta xasiloonida iyo amaanka ay ku dareento haweeneyda ,waa ilaaliyaha haweenedya marka ay dareento awood yari.

Ninyahoow ma is weydiisay waxa ay haweeneyda kaaga baahan tahay? hadaba daajis ayaa xogtaan ku siineysa ee si wacan u qaado .


* Dareemidda Jaceyl iyo qadarin : waxa ugu horeeya ee haweeneyda ay u baahan tahay waxa ay tahay in ninka ay ka hesho dareen jaceyl haddii aysan sidaas dhicin ma awoodi karto in ay horay u socoto oo ay hor mar sameeyso, waa in ay dareentaa tix gilin taasina waxa ay uu sii jilcinayaa qalbigeeda.

* Dareemidda Quruxda: quruxda labada dhinacba muhiim ayay u tahay , haweeneyda waxa ay door bidaa in quruxdeeda u ilaalsato ninka dartiis .

* Haweeneyda waxa ay dooneysaa in ay dareento in ay tahay qof la fahmayo: haddii ninka uu fahmo haweeneyda taasi muhiim ayay u tahay xageeda , haddii taasi dhicin ma dooneyso in ay hadasho maxaa yeelay waxa ay hubtaa in aan la fahmeyn.

* Dareemidda ku xasilnaan: tanina waa midda haweeneyda ka yeeleysa mid ku faraxsan xariirka nolosheeda haddii taasi aysan helin ma heleyso farxad ay kula noolaato ninkeeda.

*Dareemidda Tix Gilin Iyo Dhiira Gilin: tani waa muhiim haweeneyda , sidoo kale waana mid qasab ku ah labada dhinac ogoow ninyahow xabiibtaad hor mar ma gaari karto haddii aysan dhiira gilin kaa heleyn .


_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 09:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada