Arintaan Ninkaada Ha U Bandhigin Qasaaro Badan Ayay Leedahay."waa maxey Arinta"?

Arintaan Ninkaada Ha U Bandhigin Qasaaro Badan Ayay Leedahay."waa maxey Arinta"?

daajis.com:-Waxaa jira haween niyadooda iyo qalbigooda uu saafi yahay haddii ay wax wanaagsan ku argaan saaxibadooda ama qof ay garanayaan sida qof wax ku ool ah , dabeecad wanaagsan ayaa waxaa suura gal in ninkeeda ay uga sheekeyso isla markaana waqti loo joogo iyo xili aan loo jooginba ka bad-badisa .

Hadaba taasi wax ay keeneysa in qalbiga ninkeeda uu dhaqaaq sameeyo maxa yeelay haweenka ma garanayaan in qalbiga iyo dhagta ay mararka qaar indhaha ay wax ka hor jeclaadaan.


Waxaa laga yaabaa in haweeneydaas in ninkeeda ay kula nooleed farxad midda uga sareysa balse waxaa durbaba bilaabanaya in ay noloshii ay cakiranto oo ay wasaqoowdo , mana oga sababta taasi keentay , shaydaankiina goobta ayuu soo galayaa si uu dhameystiro bur burinta qoyskaasi maxaa yeelay waxa uu helay albaab uu ka soo galo .

Markaasi ayuu ninkii ku furayaa mashquul ah sidii uu ku heli lahaa xeelad , waxa uuna dadaal u galayaa sidii gabartaasi ay xaaskiisa mar waliba amaaneyso u arki lahaa , waxa uu dabal ku sameyanayaa in uu ogaado in la qabo iyo in kale ugu dambeyntii meeshii lagala xariiri lahaa ayuu helayaa , isagoo sariirta la jiifa xaaskiisa ayuu shaydaanka u sawirayaa in gabadhaas Fatiyal Axlaam-ka ah ay gacantiisa ku jirto , Hadaba Maxaa Xiga.

Waxa uu ninku bilaabayaain uu naco xaaskiisa , taasina waxaa u sabab ah iyada oo haweeney kale nafta uga qaaday amaanteeda , waxaadna ogataa in diin ahaan xitaa aysan wanaagsaneyn in naagtu ninkeeda naag kale u amaanto u sifeyso sida in uu arkayo oo kale , waxa uuna Rasuulkeena CSW Ka Yiri( ( Laa Tubaashir Almar`ata fatasifahaa lizoowjihaa ka `annahu Yanduruhaa.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 06:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada