Ciidamada Faransiiska oo gacanta ku dhigay Dooni hub usoo waday Soomaaliya

Ciidamada Faransiiska oo gacanta ku dhigay Dooni hub usoo waday Soomaaliya

daajis.com:- Maraakiibta dagaalka Faransiiska ee ku sugan Badweynta Hindiya ayaa qabtay ku dhintay dooni hub siday oo ku soo jeeday Soomaaliya.

Doonidan ayaa waxaa saarnaa hub isugu jiray qoryaha AK47, qoryaha boobayaasha, Miinooyinka Anti Tank, iyo rasaas.

Diyaarad kuwa qumaatika u kaca ee Helicopters oo ku jirtay howl maalmeedka caadiga ah ee ay ku kormeereysay xeebaha ayaa aragtay Doonidan, oo aan wax calaamad ah wadan.

Lama sheegin halka uu ka yimid Doonidan hubka siday, walina lama shaacin tirada shaqaalaha saarnaa doonida iyo dalalka ay u dhasheen.
Soomaaliya ayaa waxaa saaran cunaqabateyn hubka ah tan iyo sanadkii 1991, hase ahaatee waxaa wali si sharci darro ah lagu gelinayay hub ka imaanayay dalal kala duwan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada