Daawo:- 37-jir Soomaali ah oo mudo sanad kufsanayay Gabar yar oo uu ka dhalay ilmo saqiiray: Video

Daawo:- 37-jir Soomaali ah oo mudo sanad kufsanayay Gabar yar oo uu ka dhalay ilmo saqiiray: Video

daajis.com:- Columbus-Isak Abubakar oo ah Soomaali 37-jir, lagu soo eedeeyay inuu mudo sanad ka badan kufsi sharci darro ah kula kacayay Gabar 15 jir ah oo ay dhaleen qoys ay saaxiib ceeshow milax ahaayeen, kana dhalay ilmo ka saqiiray, kadib markii lagu ogaaday dheecaanka DNA oo laga qaaday, iyadoo gabadhaasi yar warkeeda la rumeysan waayay.

Gabadhaan oo 15-jir ah, ayaa sheegtay in mudo sanad ah uu kufsanayay, islamarkaasina dhowr mar ay dambiile Isak ka dalbatay inuusan taaban korkeeda una soo dhawaan, balse uusan dhag jalaq u siin siina wadan jiray inuu kufsado.

Gabadhaan yar oo hada canug sharci daro ah dhashay, balse todobaadkii danbe uu geeriyooday, ayaa sheegtay iney jeclaan lahayd iney iska iloowdo oo aysan xasuusan dhibaatadii uu soo marsiiyay.

Qoyska Isak, gaar ahaan xaaskiisa oo subixii arbacada ee lasoo dhaafay fadhiday Maxkamadda, ayaa mar ay saxaafada wax ka weydiisay diiday iney ka hadasho arintaan, balse qareenka difaacaya ninkaan Kufsiga lagu eedeeyay, ayaa sheegay in Isaak uu u dagaalami doono si dharci ah eedeeymaha lagu soo eedeeyay inuu kufsaday Gabar yar oo caruur ka dhalay.


Gabadhan yar ee mashaqada ku dhacday, ayaa sheegtay in Isak oo saaxiib qoyskeeda uu kufsiga ku bilaabay iyadoo jirta 14 sano.
“…Aad ayaan u qeylin jiray, waxaan dalban iray caawimaad, dhowr mar ayaan habaryarteey arintaan u sheegay, laakiin weey i rumeysan weyday…” ayay tiri Gabadhan yar.

Gabar la dhalatay Gabadha uu Isak kufsaday, ayaa sheegtay iney si aad ah ula yaabtay arintaan, sidoo kale waxay sheegtay in Isak uu la mid ahaa qof guriga katirsan.


Gabadhan ayaa dhashay Bishii December ee lasoo dhaafay, balse nasiib daro canuga ayaa dhintay isbuucii lasoo dhaafay.



Qoyska Gabadha ayaa aaminsan in canuga yar uu u dhintay daawooyin uu Isak gabadha siiyay si canuga caloosha uga soo dhinto.

Maalmo kahor canuga intuu dhiman, ayaa DNA laga qaaday waxaa lagu cadeeyay in Isak Abubakar uu yahay aabaha dhalay

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com


Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:16 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada