daajis.com:- Ciidankii dagaalka xoogan la galay Ururka Al Shabaab kana qayb galay dagaalkii u dhexeeyey ciidanka Puntland iyo kuwa Al-shabaab ee deegaanadda Garacad iyo Togga Suuj ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.
Ciidankan ayaa waxa ay soo dhaweyn diiran kala kulmeen dadweynaha ku nool magaalada Boosaaso, iyagoo ku soo dhaweeyay Heeso iyo Caleemo qoyan.
Saraakiisha iyo Ciidamada soo gaaray Boosaaso ayaa u gudbay fariisamahooda kale duwan ee ay ku leeyihiin duleedka magaalada Boosaaso iyo deegaanada ku dhow dhow ee Boosaaso ee Gobolka Bari.
Taliyaha qaybta Booliska ee gobolka Bari C/xakiin Yusuf Xuseen oo la hadlay saxaafadda ayaa uga mahad celiyey shacabka reer Boosaaso sidda weyn ee ay u soo dhaweeyeen ciidamada ka qayb qaatay dagaalkii shabaab la la galay ee ka dhacay deegaanada Togga Suuj, Garmaal iyo Godob jiiraan oo ka wada tirsan Gobolka Nugaal.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 19:30 and have
, Published at