Daawo Dayniile: Miino Lagu Aasay Wadada Dhinaceeda oo la Fashiliyay (SAWIRRO)

Daawo Dayniile: Miino Lagu Aasay Wadada Dhinaceeda oo la Fashiliyay (SAWIRRO)

daajis.com:- Ciidamada amniga ee Degmada Dayniile ayaa fashiliyay miino culus oo saakay Aroortii lagu aasay wadad dhinaceeda, miinadan ayaan la ogeyn cida loo aasay in lagu waxyeeleeyo.

Howlgal ay xalay waqti dambe Ciidamada amaanka Degmada Dayniile ka sameeyeen Xaafada Gubta ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa u suuro gashay inay kala fur furaan Miinadan oo wadada dhinaceeda la dhigay, gaar ahaan halka loo yaqaan Al Hudaa.


Ciidamada ayaa ku guuleestay in qaraxa miino ay soo saaraan ayna fur furan iyada oon qarxin, waxaana howlgalkan uu ahaa mid lagu baadi goobayay miinooyin la sheegay in waddaasi lagu aasay iyo waliba dadkii ka dambeeyay oo wali Ciidamada ay baadi goobayaan.

Gudoomiyaha Degmada Dayniile Axmed Nuur Cabdi Siyaad oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ciidamada ku guuleesteen in ay fashiliyaan ayna soo saaraan Qarax miino uu sheegay in la doonayay in bulshada lagu waxyeeleeyo.
Gudoomiye Axmed ayaa tilmaamay in uu socdo howlgal ay ku baadi goobayaan dad la tuhmayo in ay ka dambeeyeen qaraxaasi Miino ee la fashiliyay , waxa uuna ugu baaqay dadka ku dhaqan Degmada Dayniile in ay la shaqeeyaan Ciidamada ayna kusoo wargaliyaan falalka amaanka ka soo horjeedo.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:57 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada