Daawo:- Dowladda Japan oo Malaayiin Dollar ugu deeqday Soomaaliya

Daawo:- Dowladda Japan oo Malaayiin Dollar ugu deeqday Soomaaliya

daajis.com:-Dowladda Japan ayaa maanta sheegtay inay Soomaaliya sannadkan ku taageerayso deeq lacageed oo dhan 48 milyan oo Dollarka Mareykanka.

Safiirka Japan ee Soomaaliya, Tatsushi Terada ayaa heshiiskaan u ssaxiixay dowladda Japan, halka Soomaaliya uu u saxiixay Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga C/raxmaan Ceynte.



Heshiiskaan oo ka dhacay xxarunta Xalane ee garoonka diyaaraddaha Muqdisho ayaa waxaa lacagtaan lasoo marsiin doonaa hay’adddaha UN-ka, iyadoo lagu fulin doono mashaariic kala duwan oo guud ahaan dalka la gaarsiin doono.

Deeqdaan ayaa ka adanbeysay kadib, heshiis dalka Japan ku dhex maray Ra’iisal wasaaraha Japan Shinzo Abe iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa sidoo kale munaasabaddan lagu sheegay in dowladda Japan ay sanaddii tagtay ku saacidday Soomaaaliya lacag dhan 48 milyan oo dollar, oo la gaarsiiyey gobollo badan oo dalka Soomaaliya.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:01 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada