Daawo:- Kalfadhigii Baarlamaanka oo Maanta ahaa Mid Xamaasad Badan (VIDEO)

Daawo:- Kalfadhigii Baarlamaanka oo Maanta ahaa Mid Xamaasad Badan (VIDEO)

daajis.com:- Kal fadhigii Baarlamaanka ee maanta Su’aalaha lagu weydiinayay Ra’iisul Wasaaraha, Wasiirka Amniga iyo Taliyaha ciidanka Nabadsugida, ayaa soo gaaray ilaa caawa makhribkii.

Kulanka oo waqti badan qaatay ayaa waxaa lasoo gabagabeeyay isaga oo aan laga gaarin wax natiijo ah, waxa ayna Xildhibaanada qaar xaqiijiyeen in kulanka uu yahay mid qabyo ah oo la dhameystiri doono maalinta khamiista ee bari ah.


Kulanka ayaa waxaa su’aalaha ugu badan lagu weydiiyay Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Nabadsugida qaranka Soomaaliya Gen Cabdiraxmaan Tuuryare.

Xildhibaanada ugu badan ayaa si saafi ah su’aalahooda u weydiiyay R/wasaare Cumar C/rashiid, Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Nabadsugida.


Xildhibaanada Baarlamaanka oo wali tabanaya Su’aalo ayaa waxaa lagu wargaliyay in waqtiga uu yahay mid dhamaaday balse dib leysugu soo laabanaayo maalinta bari ah si loo dhameystiro kulanka qabyada ah.

Sidoo kale, R/wasaaraha Xukuumada Soomaalia ayaa kulanka ka sheegay in kulanka qabyada ah dartii uu maalinta bari ah u baajinaayo kulankii khamiislaha ee Golaha Wasiirada, si maalinta berri dooda loo sii ambaqaado.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 06:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada