Gabar Soomaali ah oo Su’aalo Uga Naxsatay Hillary Clinton (VIDEO)

Gabar Soomaali ah oo Su’aalo Uga Naxsatay Hillary Clinton (VIDEO)

daajis.com:- Musharaxadda Madaxweynimada Xisbiga Dimoqoraadiga ee dalka Maraykanka Mrs. Hillary Clinton ayaa waxaa si kadis ah ugu yimid oo ay kulmeen gabar Soomaali ah oo way diisay su’aalo la xiriira Somaalida iyo dadka Madaw.

Gabadhan Soomaalida ah ayaa su’aalaha ay weydiisay waxaa laga maqlay wax yar oo kaliya iyadoo su’ aashii koowaad ay ahayd, waxa ay Hillary Clinton u qabatay dadka Madow, iyadoona soo qaadatay sharcigii la dagaalanka burcada Maraykanka ee uu hirgeliyey saygeeda Bill Clinton oo ah mid dhaawac weyn u geystay dhalinta Madow ee dalka Maraykanka ayna yihiin kuwa ugu badan ee xabsiyada Maraykanka ku jira.


Hillary Clinton oo xiligan olole ugu jirta helida cododka Dadka madow ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay su’aalo adag kala kulmeysa dadka madow oo dhaliilaya in taariikhdeeda Siyaasadeed ee hore aysan waxna usoo qaban shacabka Madow, isla markaana ayba horseed u ahayd siyaasiyiintii u ololeyn jiray sharuuc badan oo dhaawac u geystay dadka madow.
Gabadha Soomaalida ah oo sheegtay in Soomaalida ay kamid yihiin dadka Madow ee Maraykanka ee dhibaatada baaxadaleh kala kulma ciidamada Booliiska waxa uga qorsheysan Hillary Clinton.

Hillary ayaa sheegtay inay taageero badan ka heysato dadka Madow iyo waliba Soomaalida ayaa sheegtay inay wax badan u qaban doonto dadkaasi, iyadoona ku faantay in ay taageero ka heysato Xildhibaanka Soomaaliyeed ee ku jira golaha deegaanka ee Minneapolis. Balse gabadhaasi ayaa beenisay in Hillary Clinton wax taageero ah ka heysato dadka madow iyo waliba Soomaalida.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 07:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada