Madaxweynaha Kenya oo Ku Dhawaaqay Dhismaha Ciidan la Dagaalama Al Shabaab (VIDEO)

Madaxweynaha Kenya oo Ku Dhawaaqay Dhismaha Ciidan la Dagaalama Al Shabaab (VIDEO)

daajis.com:- Madaxweynah Uhuru Kenyatta oo ka qeyb galay xaflad ay ku qalin jabinayeen Ciidamado cusub oo kamid noqonaya Booliska, gaar ahaan kuwa loo yaqaano GSU, ayaa sheegay in sanadka soo socda la diyaarinayo lana carbiyo ciidamo kale oo cusub oo la doonayo inay booliiska kusoo biiraan.

Kenyatta ayaa sheegay in Ciidamo cadidkoodu gaarayo 10-Kun oo askari oo ku soo biiri doona booliiska Kenya dhawaan la diyaarinayo, kuwaas oo uu sheegay in ay ka qeyb qaadanayaan nabad galayada dalka iyo ka hor taga Weerarada Ururka Al-Shabaab.



Xukuumadda Kenya ayaa wajaheysa dagaal adag oo kaga imaanaya Ururka Al-Shabaab oo kordhiyay weerarada iyo qaraxyada ay ka fuliyaan gudaha Kenya, iyagoo xitaa qortay dhalinyaro badan oo Kenyan ah oo u dagaalama waxaana qeybo kamid ah dalkaasi saldhigyo ka sameystey Shabakado la shaqeeyo Ururka Al Shabaab.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 08:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada