Ciidamada Dowladda oo la Wareegay Deegaano Horleh (VIDEO)

Ciidamada Dowladda oo la Wareegay Deegaano Horleh (VIDEO)

daajis.com:- Waxa ay faah faahinno ka soo baxayaan goobo horleh oo ay ciidanka XDS la wareegeen kuwaas oo ku yaala bariga gobolka Shabeelaha Dhexe, wararkan ayaa sheegaya in ciidamada dowlada Soomaaliya ay Ururka Alshabaab ka saareen deegaano hor leh oo ku yaala bariga Shabeelaha Dhexe.

Ciidamada Dowladda ayaa gudaha u galay deegaanka War-ciise oo ah deegaan ganacsigiisa todobaadkiiba mar yahay, ayna ku ganacsadaan dadweynaha ku dhaqan bariga gobolka Shabeelaha Dhexe.



Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in wax dagaal ah uusan dhicin markii ciidamada dowlada Soomaaliya ay la wareegayeen deegaanka War-ciise.

Laakiin dagaal kooban ayaa ciidamada dowlada ay la kulmeen markii ay la wareegayeen deegaanka Qoordheere ee gobolka Shabeelaha Dhexe.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 09:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada