Xasan Xanafi oo Maanta Lagu Xukumay Dil Toogasho

Xasan Xanafi oo Maanta Lagu Xukumay Dil Toogasho

daajis.com:-March 03, 2016 – Maxkamada Darajada Koowaad ee ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta waxa ay dil toogasho ah ku riday Xasan Xanafi Xaaji oo ku eedeysnaa inuu ka dambeeyay dilal dhowr ah oo loo geystay Suxufiyiin dalka caan ka ahaa.

Waxa ay maxkamada Dhageysatay Dacwada la xiriirta eedeymaha kala duwan ee Xasan Xanafi loo haystay, kadibna maxkamada waxa ay gaartay go’aan.


Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Darajada Koowaad Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa Saxaafada u sheegay xukunka Xasan Xanafi inuu yahay dil toogasho.

Waxa uu sheegay Cadeymo iyo marqaatiyaal la horkeenay maxkamada kadib inay cadaatay in Xasan Xanafi Xaaji uu yahay dambiile geystay dhamaan eedeymihii loo soo jeediyay.

Maxkamada ayaa sheegtay inuu racfaan ka qaadan karo xukunka dilka ah ee lagu riday Xasan Xanafi.
Suxufiyiinta Magaalada Muqdisho ka howlgala ayaa si aad ah u soo dhaweeyay tallaabada maanta lagu xukumay, ninkii maleegi jiray Shirqoolada lagu laayo Bahda Saxaafadda Soomaaliya.

Qaar ka tirsan Suxufiyiinta ayaa muujiyay dareenkooda ku aadan xukunkaan dilka toogashada ah ee maanta lagu riday Xasan Xanafi Xaaji.

Xasan Xanafi Xaaji oo ka tirsanaa Ururka Al Shabaab ayaa u qaabilsanaa dhigidda Shirqoolada kala duwan ee lagu qaarijinayo wariyeyaasha.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada