DAAWO:- Milkiilaha Dahabshiil oo dhaar ka maray eedeyntii dilkii Saado Cali

DAAWO:- Milkiilaha Dahabshiil oo dhaar ka maray eedeyntii dilkii Saado Cali

daajis.com:- Kulan is dhaaris ahaa oo si balaaran ay uga soo qeyb galeen labada beelood Dhulbahante iyo Isaaq oo ay kasoo kala jeedaan Allaha u naxariistee marxuumad Saado Cali Warsame iyo Mulkiilaha Shirkadda Dahabshiil Group  Maxamed Saciid Ducaale ayaa ka dhacay Magaalada Laascanood ee xarunta Gobolka Sool.

Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa in lagu dhaariyo mulkiilaha Shirkada Dahabshiil oo la marsiiyay 50 dhaaraad, kitaabkana gacanta loo saaray, kadib markii lagu eedeeyay dilkii  dilkii Fanaanadii Caanka ahayd ee Soomaaliyeed Saado Cali Warsame oo lagu diley Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kasoo qayb galay kana hadlay  odayaasha labadda Beelood.xaaji-dhiigshiil-saado

Mulkiilaha Shirkada Dahabshiil waxaa dhaarta la maray odayaal ay isku beel yihiin, waxaana dhaartaasi qaatay oo ku qanciyay beesha Saado Cali Warsame. Rashiid Cali Warsame ayaa goobta ka sheegay in cuqdadii ku jirtay ay ka baxday, ayna ku qanceen.


Saxaafadda shirka ka qeyb gashay ayaa loo diiday inay wax sawir ah ka qaadaan milkiilaha Dahabshiil shaqsi ahaan iyo xiligii uu dhaarta marayay midna, taasoo ahayd dalab isaga ka yimid oo uu diiday in sawirkiisa la adeegsado.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada