daajis.com:- Saraakiisha Ciidamada Booliska maamulka Puntland ayaa soo bandhigay tirro maleeshiyaad ah kuwaasi oo aan horay loogu soo bandhigin Saxaafada.
Maleeshiyaadka lasoo bandhigay oo kor u dhaafaya 50, ayaa waxaa la sheegay in lagu suuqabtay Dagaalkii ugu danbeeyay ee ka dhacay deegaanka Suuj, kaasi oo ahaa mid ka duwan dagaaladii kale.
Maxaabiistaani iminka lasoo bandhigay ayaa waxaa u badan kuwo da’ ah, waxa ayna ku jiraan xabsi gaar ah, iyaga oo laga dhex saaray maxaabiista kale.
Maxaabiistaani ayaa waxaa iminka u bilowday wareysi ay la sameynayaan Saraakiisha dembi baarista Booliska Puntland, waxaana suuragal ah in kuwa ay da’ doodu ka weyntahay qaangaarka wareysi kadib lagu xakumo dil toogasho ah, sida ay qireen Saraakiisha, halka kuwa ka yar qaangaarkana loo sameyn doono tarbiyadeyn.







_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 03:30 and have
, Published at