SAWIRRO: Puntland oo soo bandhigtay Hubkii ay Dagaalka kaga furteen Al-shabaab

SAWIRRO: Puntland oo soo bandhigtay Hubkii ay Dagaalka kaga furteen Al-shabaab


daajis.com:- Saraakiisha Ciidamada maamulka Puntland, ayaa soo bandhigtay Hubkii ay ku dagaalamayeen Maleeshiyaadkii kusoo duulay deegaanada hoostaga Gobolka Nugaal ee Puntland ee Ciidamada gacanta u galay.

Taliyaha guud ee Ciidanka Daraawiishta maamulka Puntland Generaal Siciid Maxamed Xirsi oo shir jaraa’id ku qabtay goobta lagu soo bandhigay Hubka ayaa sheegay in hubka ay gacanta ku dhigeen ay u badnaayen kuwa ka weyn qoriga loo yaqaan A47.

Generaal Siciid Maxamed Xirsi ayaa sheegay Hawl-galkii ciidanka daraawiishta Puntland ay kaga jireen aagga Garacad in uu soo gebageboobey islamarkaana ay ku qabsadeen Hub ka kooban 165qori oo isug jira BKM, AK47, Baasuuke 7 (RPG 7), F1 iyo qalab kakooban walxaha qarxa iyo agabka loo isticmaali isgaarsiinta ciidamada.


HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:06 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada