Daawo Sawirada:- laga soo qaaday Toga Suuj oo ah halka uu ka dhacay dagaalkii u dhaxeeyay Shabaab iyo Puntland

Daawo Sawirada:- laga soo qaaday Toga Suuj oo ah halka uu ka dhacay dagaalkii u dhaxeeyay Shabaab iyo Puntland

daajis.com:- Toga Suuj oo kuyaala dhulka Xeebta Gobolka Nugaal waxaa ka dhacay sadaxdii maalin ee lasoo dhaafay dagaalo aad u culus oo u dhaxeeyay dagaalyahano katirsan Al-Shabaab oo halkaasi dhawaan gaaray iyo ciidamada maamulka Puntland.

Sawiro laga soo qaaday Toga Suuj ayaa muujinaya in ay goobtan ay tahay dhul buuro ah sidoo kale ay ku yaalaan godad waa weyn oo ay adagtahay in dagaalka ka dhacaya lagu kala baxo, waxaana wali togaasi kuwada sugan kuna dagaalamaya Ciidamada Puntland iyo kuwa Al-Shabaab.

Xaalada Toga Suuj ayaa maanta ah mid xoogaa dagan oo dagala culus uusan ka socon ,waxaana mararka qaar deegaankaasi ka dhacay rasaas goos goos ah ay is dhaafsanayaan labada ciidan ee is hor fadhiya.

Wali si dhab ah looma oga qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkii cuslaa ee ka dhacay toga Suug, Saraakiisha maamulka Puntland ayaana guulo waa weyn ka sheegtay dagaalka ka dhacay Suuj, waxa ayna sheegeen in dhul badan qabsadeen sidoo kale ay dileen dagaalyahano badan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:56 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada