daajis.com:- Saraakiisha Maamulka Puntland ayaa goordhow warbaahinta u soo bandhigaya qaar kamid ah maxaabiistii laga qabtey Malayshiyaadkii Al-shabaab ee ka dagaalamayey dhanka Suuj ee dhacda Waqooyiga degmada EYL.
Maleeshiyaadkaani oo qaabab kala duwan loo qabtay ayaa waxa ay isugu jiraan kuwo badqaba iyo kuwo dhaawac ah, waxaana ka muuqda jirkooda duruuf iyo daryeel la’aan.
Maxaabiista lasoo bandhigay ayaa waxaa ku jira kuwo aad u da’ yar oo aan sidaa usii weyneyn marka la’eego dhanka da’ dooda, kuwaasi oo waalidiintood laga soo kaxaystey isla markaana dagaalka la soo geliyey.
Waxaa jira maleeshiyaad kale oo aan wali lasoo bandhigin kuwaasi oo la sheegay in wakhti danbe loo soo bandhigi doono Saxaafada.
Ciidamada ayaa sidoo kale baadigoobaya dhowr maleeshiyaad oo u firxadey dhanka miyiga waxaa xusid mudan in qaar kamid ah maleeshiyaadka lasoo qabtay halka qaarna ay wali ku dhex dhuumanayaa dadka deegaanka.
HOOS KA DAAWO SAWIRADDA





_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 01:30 and have
, Published at