Daawo Video:- Mid ka mid ah Dalalka Yurub oo mabnuucay Dumarka Jirkooda ka ganacsada & dad isla quman oo difaacaya.+warbixin

Daawo Video:- Mid ka mid ah Dalalka Yurub oo mabnuucay Dumarka Jirkooda ka ganacsada & dad isla quman oo difaacaya.+warbixin

daajis.com:-Mid ka mid ah dalalka Qaarada Yurub ugu weeyn ugu caansan ayaa soo rogay sharci cusub oo lagu mabnuucayo Dumarka jirkooda ka ganacsada balse waxaa la yaab noqotay markii ay soo baxeen dad fara badan oo difaacaya fisqigaan. 


Baarlamaanka dalka Faransiiska oo cod buuxo u qaaday joojinta Durmarka jirkooda ka ganacsada ee dhooban wadooyinka dalkaas ayaa waxa uu noqday mid si toos ah loogu guuleeystay oo la ansixiyay dhawaana dhaqan geli doona. 

Haweeneydii dambe ee dariiqa soo istaagta iyada oo jirkeeda ka ganacsaneysa ayaa waxaa la ganaaxi doonaa Aduun dhan 1500 oo Euro. Qaar ka mid ah haweenka jirkooda ka ganacsada ee dalka Faransiiska ku nool ayaa sameeyay banaanbax, kuwaas oo indha adeegooda ku doodaya in loo daayo fisqigii ay ku noolaayeen. 

Wadanka Faransiiska waxa uu ka mid yahay dalalka ay sida weyn uga qaraabtaan haweenka Jirkooda ka ganacsada waxeeyna intooda badan ka soo haajireen dalal ku yaala galbeedka Yurub, Africa iyo Laatiin America. 


_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada