Dagaal ka qarxay Puntland & xaalada oo kacsan

Dagaal ka qarxay Puntland & xaalada oo kacsan

daajis.com:- Dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada maamulka Puntland iyo ciidamada Daacish taabacsan ayaa ka biloday gobolka Nugaal ee maamulka Puntland.

Dagaalka ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya ciidamada PIS loo yaqaan ee Puntland iyo ciidamo kale oo badan kuwaasi oo ilaa xalay kusoo dhawaanayay goobaha ciidamada Alshabaab ay qabsadeen.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalka xoogiisa uu ka socdo duleedka deegaanka Garmaal ee gobolka Nugaal halkaasi oo maleeshiyada hubeysan ay shalay la wareegeen.

Ciidamada Puntland oo watta gaadiidka dagaalka ayaa gurmad badan helaya, waxaana la ogeyn khasaaraha dagaalka.

Dagaalka ayaa laga baqaya inuu kusii faafo deegaano kale oo Puntland ka tirsan oo ciidamada Daacish sheegay iney taageersan yihiin ku sugan yihiin.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:14 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada