daajis.com:-Iyadoo Shabakadda Xiriirka Bulshada ee Facebook ay bishan Febraayo u dabbaal-dagtay sanad-guuradeedii 10aad, ayaa Hay’adda Iftin Foundation waxay daraasad ku sameysay sida ay jaamacadaha Soomaaliyeed uga faa’ideystaan shabakadda xiriirka bulshada ee Facebook si ay ula xiriiraan ardeyda, maamulka, waalidiinta iyo dadweynaha guud ahaanba.
Daraasadda aan sameynay waxaan ku ogaanay in 40% jaamacadaha Soomaaliya ay leeyihiin bogag Facebook oo gaar u ah, inkastoo ay ku kala badan yihiin tirada taageerayaasha iyo m
acluumaadka ay ku baahiyaan. Jaamacadda Indian Ocean ayaa noqotay jaamacadda ugu taageerayaasha badan dhanka Facebook, iyagoo leh 7,234 taageere, waxaana kaalinta 2aad ku jirta Jaamacadda Edna Adan University oo leh 6,734 taageere, halka Jaamacadda Hargeysa oo ku jirta kaalinta 3aad ay leedahay 5,759 taageere.
acluumaadka ay ku baahiyaan. Jaamacadda Indian Ocean ayaa noqotay jaamacadda ugu taageerayaasha badan dhanka Facebook, iyagoo leh 7,234 taageere, waxaana kaalinta 2aad ku jirta Jaamacadda Edna Adan University oo leh 6,734 taageere, halka Jaamacadda Hargeysa oo ku jirta kaalinta 3aad ay leedahay 5,759 taageere.
Daraasaddan oo la sameeyay 25kii Febraayo 2014, waxaa xiriirrada bogagga Facebook ee jaamacadaha lagu saleeyay kuwa rasmi ah ee ku xusan baraha internet-ka ee jaamacadahaas. “Ujeedda sahankan waa sidii loo ogaan lahaa sida ay jaamacadaha Soomaaliya uga faa’ideystaan farsamada casriga ah. Hadda waxaan ku billownay shabakadda xiriirka bulshada ee Facebook, waxaanse sidoo kale qiimeyn ku sameyn doonnaa baraha internet-ka ee jaamacadaha inagoo ka eegi doonna wararka iyo macluumaadka ay xambaarsan yihiin” ayuu yiri C/weli Cali Maxamuud oo ah madaxa barnaamijyada ee Iftin Foundation.
Liiska oo dhammeystiran:
No. Jaamacadda Barta Internetka Cinwaanka Facebook Taageerayaasha Facebook
1- Indian Ocean University www.iousom.com facebook.com/Uiocean 7,249
2-Edna Adan University www.ednauniversity.org facebook.com/edna.hospital 7,027
3-University of Hargeisa www.huniversity.net/ facebook.com/pages/University-of-Hargeisa/330694190417 5,760
4-Amoud University www.amouduniversity.org/ facebook.com/pages/Amoud-University/104073792962253 5,326
5-University of Somalia www.uniso.edu.so facebook.com/universityofsomalia 3,959
6-SIMAD University www.simad.edu.so facebook.com/pages/SIMAD-UNIVERSITY-THE-FOUNTAIN-OF-KNOWLEDGE-AND-WISDOM/379074545480036 2,669
7-University of Burao www.buraouniversity.com facebook.com/pages/University-of-Burao/125433610915320 1,444
8-University of Bosaaso www.universityofbosaso.com facebook.com/bosasouniversity 1,299
9-Jamhuriya University www.jamhuriyauniversity.com facebook.com/Jamhuriya 1,111
10-Islamic University www.islamicuniversity.so facebook.com/IslamicUniversityMogadishuSomalia 1,046
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 15:30 and have
, Published at