Cudurada aan ka hadleyno waa ku badanyihiin wadankeena, dhallaanka ey ku dhacaaane ma helaan daryeel caafimaad oo ku filan, taa oo keenta in ey badankood u dhintaan jirrooyin laga yaabo in la daweyn karay, waana tan nagu kaliftay in aan qorno silsiladan maqaalada ah ee u gaarka ah dhalaanka, maqaaladan waxey xambaarsanyihiin dhaliilo toos ugu socda isbitaalada dhalmada iyo dhalaanka, iyo sidoo kale hey,adaha xukuumiga ah ee ku shaqada leh caafimaadka.
Maadaama
aanan awoodin in aan maado dhan kusoo koobno hal maqaal, maqaal kasta
waxaan uga hadli doonnaa hal jirro oo ka mid ah kuwa ugu badan ee dila
dhalaanka soomaaliyeed.

A) Hooyada oo uu ku ceshoomo naqaska ama aanan helin
hawo ku filan inta lagu guda jiro foosha, dhiig la,aanta waxeey kaalin
weyn ka ciyaartaa in hooyooyinku la kulmaan xaaladahan marka ey
foolanayaan, waana mid kamida sababaha ugu badan ee keena Birth
Asphyxia. Nasiib xumo wadankeena waxaa ku yar qalabka oxygen-ka
dheeraadka ah loo isticmaalo (oo ah wax aanan qarash badan xataa u
baahneyn), sidaa darteed hooyadi ey qabsato xaaladan ilaahey uunbaa u
maqan.
B)
Neef mareenka dhalaanka oo xirma; inta lagu guda jiro foosha waxaaa
galo neef mareenka dheecaan, balse marka uu cunuga dhasho waa in sida
ugu dhaqsiyaha badan looga saaraa, ooyinta cunuga ayaana calaamad u ah
in neef mareenku furanyahay, caalamka horomaray xarun kata oo umuliso
waa ey leedahay qalabka asaasiga u ah dib u furida neef mareenka. Balse
nasiib xumo wadankeena xarumaha dhalmada ma lahan qalabkan, waxeyna
sameeyaan kaliyah waxyaabo aanan la hubin in ey mar kasta shaqeynayaan,
sida in dhalaanka duudka laga dhufto, ama madaxa loo fooraariyo. Hadii
uu isku daygaas shaqeyn waayo, dhalaankaas ilaahey uunbaa u maqan.
C)
Xaalado la xiriira mandheerta (placenta) iyo xariga ku xira dhalaanka
(umbilical cord) ayaa sababa cudurkan, sida in mandheertu ey ka go,do
ilma-galeenka waqti hore, taasoo hawada iyo nafaqadaba ka jareysa
cunuga.
D)
Sidoo kale xaalado kale ayaa sababi kara sida foosha oo socta waqti
dheer, infection halis ah oo haaya hooyada ama dhalaanka, dhiig karka
hooyada, ama neef mareenka dhalaanka oo aan si sax ah u korin.
Dhamaan
waxyaabaha sababa jiradan waxey leeyihiin qorshooyin looga hortago, waa
hadii la heesto qalab si dhaw lagula socdo xaalada hooyada iyo
dhalaanka, qalabkaas oo inta badan wadankeena ka maqan.
-CALAAMADAHA:
Calaamadaha jiradan waxaa kamid ah ooyin la,aan ama ooyin tabar daran,
midabka maqaarka oo buluug isku badala, garaaca wadnaha oo hooseeya,
neefta oo aad u yaraata iyo calaamado kale.
-MAAREYNTA: maareynta xaaladan waxaa kamid ah:*Hooyada oo si deg-deg loo siiyo oxygen dheeraad ah hadii ey hawadu ku yaraato inta ey socoto foosha.
*In si deg-deg ah loo qalo hooyada (Caesarean section) hadii la dareemo
in uu halis ku jiro caafimaadkeeda ama caafimaadka dhalaanka.
*in
dhalaanka marki uu dhasho dhaqsiba loo isticmaalo qalabka dib loogu
furayo neef mareenka isla markaane laga shaqeysiiyo.
Hadii ey shaqeyn
weysana si deg-deg ah loogu xiro qalabka loo yaqaano ECMO
(Extracorporeal Membrane Oxygenation) oo qabanaya shaqadii sanbabaha,
qalabkan ayaa dhiiga dhalaanka ku shubaya sanbabo artifishal ah oo loo
isticmaalayo si dhiiga dhalaanka oxygen loogu daro. Waxyaabahaas oo
dhanne wadnkeena lagama helo ama waa ku yaryihiin.
Hadaba waxaan
ku dhiira galineynaa masuuliyiinta isbitaalada iyo sidoo kale wasaarada
horomarinta iyo adeegyada bulshada in ey arimahan xal u helaan, oo ey
isdareensiiyaan masuuliyad ku wajahan badbaadada caruurteena iyo
hooyooyinkeena.
Wabillaahi towfiiq
W/Q: Dr. Axmed Xalaal
Waaxda horomarinta caafimaadkadalada dhakhaatiirta jiilka cusub.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 14:30 and have
, Published at