daajis.com:- Nin Oday ah ayaa wuxuu soo galay meel Makhaayo ah, wuxuu ku Arkay Nin Dhalinyaro ah oo aad u Fekeraaya, Wejigiisana ka Muuqato Murugo, kolkaas ayuu weydiiyey oo ku yiri:- Wiilkeygiyoow maxaad la Fekereysaa?, Ninkii Dhalinyarada ahaa ayaa ugu jawaabay:- Adeer waxba ima hayo, waan iska Fiicanahay, kolkaas ayuu Odaygii ku yiri Ninkii Dhalinyarada ahaa:- Wiilkeygiyoow waxaan kugula Talinaa Arrimahaan:-
1- Qof kaa Dheer ha Jeclaan hadaad Jeclaatidna ha is wada Raacin.
2- Qofna ha Xaasidin hadaad Xaasididna adaa Hoos mari.
3- Qofna Balan ha uga Bixin hadaad uga Baxdana adaa Dhibtoon.
4- Shay Isticmaalkiisa haku Badan hadaad ku badatid isna wuu ku Nici adna waad Nici.
5- Dumar ha la Ficiltamin hadaad la Ficiltantidna adaa ku Baabi’i.
6- waxaan Gacantaada ku jirin ha isku Daalin hadaad isku Daalisinidna adaa ku Danseegi.
Intaas kadib Ninkii Dhalinyada ahaa aad ugu Mahad celiyey Odaygii, Taladiisana wuu ka Guddoomay.
(ILAAHOOW XAQA NA FAHAMSII).
W.Q:- Macoow Ustaad.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 17:00 and have
, Published at