Federaalku waa reer ba raas ha daggo ee runta maa laga sheego! W/Q: Ayaanle Xuseen Cabdi

Federaalku waa reer ba raas ha daggo ee runta maa laga sheego! W/Q: Ayaanle Xuseen Cabdi

daajis.com:-  Waxaan in muddo ah liqi la’ahay oo margigga iiga taagan sababta ka Soomaali ahaan aan u qaadanay Hab-dhaqan dowladeedka Federaalka ah. Waxaa noocyada dowladeed ee jira ee xallin kara mushkiladaheena inta aan hareer marnay aan federaal u xulanay? Waa haddii aan innagu qaadanaye.

Ma rabo in aan ka hadlo yaa wata federaalka iyo yaa jecel laakin waxaan ka hadlayaa dhibaatada ii muuqata ee uu na dhaxal siindoono haddaan xal deg deg ah eebe keenin.

Waxaa jira noocyo badan oo federaal ah oo dowlado badan oo Muslim iyo kuwo kaleba leh ay ku dhaqmaan, laakin waxaan waayay mid Soomaali ahaan nagu haboon oo aan ku dhaqmi karno. dhammaan waddamada ku dhaqma hab-ka federaalka mid aan isku xaalad nahay majiro, oo waxaan is leeyahay haddii ay sida Soomaalida oo kale mujtamacoodu ahaan lahaa maba aysan qaateen federaalka iyo wax u eg.

Federaal kasta marka aad eegto wuxuu salka ku hayaa ilaalinta kala duwanaashaha ummaddeed si aan qolaba qolada kale ugu xad gudbin oo xuquuqdooda loo ilaaliyo. maadama qolo walba ay xaq uleedahay in afkeeda, diinteeda, deegaankeeda iyo dhaqankeeda loo tixgaliyo.

Ka Soomaali ahaan wax aan ku kala duwanahay oo uu federaalku ilaalinayo ayaan waayay,marka waxaan u gartay waxa kaliya ee aan ku kala duwanahay waa qabiilka oo dhaqan bulshadeedkeena siyaasadeed saameyn nagu leh.

Marka waxaan u gartay in federaalka aan qaadaneyno uu yahay mid loogu tallo galay in uu muujiyo kala duwanaashaheena jira ee xagga qabiilka ah. Laga yaabee in aan afka sidaa loogu bal balaarin laakin, waa qorshe ku dhisan in reer walba uu dowlad gaar ah noqdo iyada oo aan isugu imaaneyno dowlada dhexe ee federaalka ah oo ka awood yar kuwa qabaa’ilka.

Ninka dhihi kara wax kale oo Soomaalidu federaal ku noqon karto ayaa jira oo aan reer hebelba dowlad ha yeesho ahayn waa ii sheegi karaa? Laakin anniga aragtideyda dhinac kasta oo aan ka eegay wax aan reer hebel walba dowlad hanoqdo ahayn iima soo bixin!

Marka waxaan is iri laba qodob hala yeelo

1. Qabiil walba meesha uu u badanyahay ha u guuro oo dalka si toos ah aan qabiil u deegaameyno
2. Qof kasta aqoonsigiisa waa in lagu muujiyaa heybtiisa si loo ogaado halka laga dooran karo ama uu ka codeyn karo

Labadaas qodob waa federaalka kaliya ee ay qaadan karto Soomaaliya.

Soomaali kuma kala duwanin ee federaalku soow qabiil ma'aha
Soomaali kuma kala duwanin ee federaalku soow qabiil ma’aha

Hadaad tahay qof aaminsan in federaalku xal u yahay Soomaaliya ku boori tolkaaga in meesha ay deegaan ahaan u badanyihiin ay isku buurtaan oo ay ka soo dhexbaxaan Soomaalida kale. si lamid ah Soomaalida iddinla daggan ugu baaqa in ay idinka guuraan oo ay federaalka qeybta ay ka dagaan u haajiraan.

Haddii aad tahay qof saluugsan federaalka waxaad ogaataa in ay ku saameyndoonto dhibaatada ka dhalandoonta federaalka oo aad arki doonto addiga oo ajnabi ka ah meelo kamid ah dalka Soomaaliya.

Rumeyso ama ha rumeysan wax badan oo aan ummadeena ku habooneyn lagana xishoodo ayuu federaalka noocan ah dhalidoonaa goor aan dheereyn.

Maalintii Beledweyne oo saldhiga u ahayd gobonima doonka Soomaaliyeed ay noqoto meesha ugu dambeysa ee calan federaal laga taago, waa maalinta ay tahay in aad yaqiinsato in ujeedadi laga lahaa federaaleynta Soomaaliya soo idlaatay!

Waxaa furmidoona bogg cusub oo ku saleysan dhameystirka sameynta dowladdo yar yar oo Soomaaliya ka jira, waxaa shaqadooda bilaabi doona guddiga xadeynta dowladaha gudaha Soomaaliya, ee ma’aha guddiga xadeynta xuduudaha dalka uu la leeyahay wadamada dariska ah. Waxaa furmidoonta mowjad colaadeed oo u dhaxeysa dowladaha Soomaaliya dagalkaan anaa iska leh iyo addigu malihid. dowlad goboleed tan kale xiriirka u jareysa sidi in marki horeba xiriir diblomaasiyadeed ka dhaxeeyay.

Federaalku meelna kumma dhammaandoono sida qabyaaladda oo sabab u ah federaalka aan qaadanay aanay meel ugu joogsan. waxaad arkidoontaa Baay iyo Bakool oo sii kala go’a! Muqdisho oo degmo degmo dowlad u sheegta , Kismaayo iyo Bu’aale oo aan dabka kala qaadan, Mudug iyo Galkacyo oo labo madaxweyne ka arimiyaan!
Waxa dhacaya qof damiir Soomaaliyeed leh kama suurowdo'e   malaha cadow baa ka dambeeya
Waxa dhacaya qof damiir Soomaaliyeed leh kama suurowdo’e malaha caddow baa ka dambeeya

Qabiilki Tuulo ku taalo galbeedka Soomaaliya dagan wuxuu halkiisa ka taagidoonaa calanka dowlad goboleedka qabiilkiisa Bari dagan. halka kan waqooyi daggana uu tolkiisa koonfureed u baaqi doono masaafadeey doonaan ha isku jireena’e, Yaa reer hebel ahay waxaan ahayn ma’aha. Soomaaliga ay isku danta yihiin waxaa uu ka dooranayaa kan ay isku dirka sheegtaan ee aan geeloodo is abaahin!

Ha qariibsan in aad aragto Balcad iyo Afgooye oo dadka dagan ay Baasaboor isku qaataan, labada dhinacna lagu caanshuur gaadiidka dadweynaha

Waxaan haddalkeygu ku soo jaray, Federaalku waa reerba raas ha daggo ee runta maa laga sheego!

Ilaahow mid na daryeela oo na mideeya oo dan kale naga lahayn noo sahal

Waxaa qoray: Ayaanle Xuseen Cabdi
Email:ayaanle@hanoolaato.com
©HANOOLAATO.COM

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada