ila Tali: Maalintii sedex jeer ayaa siigeystaa, ma guursan karo sababtuna dhaqsi ayaa biya baxaa, Sh Maxamed Idiris oo talo cajiib ah bixinaya

ila Tali: Maalintii sedex jeer ayaa siigeystaa, ma guursan karo sababtuna dhaqsi ayaa biya baxaa, Sh Maxamed Idiris oo talo cajiib ah bixinaya

daajis.com:-Warqaddaan nin dhalinyaraa ayey ka timi, xaalkiisu dhalinyara badan ayuu haystaa, waxa hadalkiisa ka mid ahaa: Nolol aan macne lahayn ayaan ku jiraa! Waxaan damcay inaan taas halkudheg uga dhigo, haddana waxaan go’aansaday maadaama bishaarada had iyo goor la rabo inaan cinwaanka ka dhigo”Noloshaadu Qiime Ayey Leedahay!”.. Taladana gadaal ayaan ka raacinayaa, waxaan Ilaahay ka baryayaa inuu isaga iyo dhalin yar kaleba ku anfoco:
___________________________
Asc wr wb bacda salaan Sheekh allaaha kaa ajar siiyo sida aad markasta ugu hawlantahay shaqada Diinta markasta waad noo faaidaysa allaha Janatul fardows haku galiyo Kadib Sheekhaw waxaan ahay wiil dhalin yaro ah 23jir marka waxaan caadaystay caado xun oo ah inaan Gacantayda Biyaha iskaga keeno siigaysi anoo isleh intaad sino ku dhici lahayd biyaha iskakeen xitaa waan iska jari kari waayay anoo garanaya dhibkay leedahay iyaan hadan ku dhacaa Hadaan iska Guursan lahaa Waxaan isleehay Gabadh ma Qancin kartid dhanka sariirta Waana run Waxaan ka Dhaxlay inay biyuhu dagdag iga Dhacaan marka Guurkiina taasaan ugu baqay.

Dhibaatada kale ee aan ka Dhaxlay sigaysiga waa Kaadida oon ceshan kari waayay kadibna salaadi aan iska Daayay markasta ooy Kaadi iqabato Maxajin karo Bilaa Kontaraal Marka Sheekh waxaan Ka rabaa illaahay dartii si Khaas ah iigu Ducee Inuu Alle Dhibtan iga Dulqaado umadana iwaydii inay isoo Duceyaan Waxaan Kaa Iloobay waxaan Leehay Balwad Jaad iyo Sigaar waxaan ku Jira nolol waxba micno Lahayn habeen Soojeed Maalintii Hurdo Shaqo ma Hayo Salaad Mahayo.

Xaafadu waxay igu Tiraahda iska Guurso Gabadh Keen Ana waatan Dhibkaasa ihaysta Waxaan ka Cabsanayaa Inaan Kasoo bixi waayo Hawshi gogosha Marka Maxaad igula Talin lahayd Khayr allaha ku siiyo ina ducee Haday jirto Daawo cudurkay biya baxa dagdaga Hadu jiro isheeg waxaaso Dhiba iyaa Ihaysta 1jaad 2sigaar 3sigaysi 4kaadi bila kantarol ah 5salaad la.aan 6hurdo maalin 7shaqo la aan intaan sidan ahay waa sadex sano intaa kahor waxan ma aqoon waxan ahaa wiil wanaagsan Oo dantiisa iyo ta reerka Yaqaana waanku fiicnaa.
Dhanka diinta Xitaa Dhawr jeer waxan baxay Khuruuj ishtimaacyada ..waan ka Qayb gali Jiray Dhanka Fahmada iyo Diinta waanku Fiicna Hada waxaasi Majirto Wax igu Dhacay Ma aqaano si aan uga baxana magaranayo Marka sheekhow iisheg waxaad igu Dhaanto iyo Sidaan Dhibtan ugu bixi karo, Hadaan isdhax Laaqay Qoraalkayga isku Hagaajiso intaad Si fiican ifahantay wax iga Sheeg Wa Bilaahi Tawfiiq Allaahu Aclam

____________________________

Wcs Adeer Ilaahay haku dhawro oo hakuu dembi dhaafo, tawbadana haku waafajiyo, naxariista Eebe waa ballaarantahay, wax walbana wey ku filnaatay, Waxaas iyo wax ka xunna Ilaahay waa dhaafaa haddaad xagiisa u cararto, ee Xaggiisa u carar, Tawbadana Laasim, gaar ahaan waxaad tahay qof horay usoo dhadhamiyey macaanka cibaadada.. Dhalinyarada shahwadu gubeyso Islaamku xal wanaagsan ayuu siiyey:


1) Guursada dhalinyaroy, gabar iyo garoob, mid da’ yar iyo mid da’ weyn, iyo mid dhex dhexaad ah, tii duruuftaada iyo awoodaadu tahay, Almuhim guur xalaal ah.. Maaha inaad tiraahdo ama guur 100% ama wax la’aan, kadibna aad xaaraan ku dhacdo, sow kama fiicnaan lahayn guur 20-30% laakiin xalaal iyo ajar leh iyo caafimaad.. Waxaa arrinkaa darteed loo baneeyey Ahlul kitaab, iyo adoonta qofkii dantu geyso…waayo waa in shahwadan ilaahay ku beeray si xalaal ah qofku u gutaa, wadooyin badan ayaa marka la siiyey..

2) kii taas awoodi waaya, ama aan rabin ee sugaya 100% waxaa laga rabaa soon..

Hadii 2daa option ee islaamku ku siiyey aadan midna qaadan, bedelku wuxuu noqon, sidaada oo kale in waji xaaraan ah, oo dhib badan, oo qaalli ah, cudur, iyo diin xumo, iyo dembi, laga dhaxlo..
Saaxiib waxaad i weydiineysaa: Sideen uga bixi karaa xaaladdan aan ku suganahay? Waxaad uga bixi kartaa Saacadda aad go’aansato inaad ka baxdo.. Xalku halkaas ayuu ka bilawdaa saaxiib.. Qof walba ilaahay wuxuu siiyey iraado uu khayrka iyo sharta tuu rabo ku raaco, wadada toosan iyo tan qalloocan tuu doono qaado, Qofna ilaahay kuma khasbin jidka xun, qadartana macneheedu sidaas maaha, sheydaanna ilaahay awood uma siin oo qofna ku khasbo, Qofku isagaa xumaanta iyo duruufta liidata yeela ama diida..

Sidaa darteed Saaxiib adiga ayey wax walba kugu xiran yihiin, intaad go’aan raganimo iyo tallaabo qaado, iyo inaad is dhigato, oo u malayso, samada iyo guriga saqafkiisa in dahab kaaga soo daadanayo..
Iminkada Noloshadda inaad bedesho go’aanso, adiga keligaa maaha, maalin walba kumanyaal duruuftaada oo kale soo mara ayaa noloshooda is bedel ku sameeya, marka ay go’aan gaaraan, oo wanaagga ay rabaan ku dhaqaaqaan sidey ku gaari lahaayeen.. Waxaad arki doontaa is bedelku inuu iska soo daba dhacayo..

Soo qaado warqad iyo qalin.. Kuna qor .. Waxaan Rabaa in sha lallaahu inaan xaqiijiyo ujeedooyinka noloshayda ee soo socda:

Waxaan rabaa inaan salaadaha ku tukado Masjidka Jamaacada shanta Waqti salaadda iigu soo horraysa maanta oo taariikhdu tahay……………… Markaan aadaanka maqlo.
Waxaan Rabaa inaan Isticmaalka Gacanta Joojiyo laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay……..

Waxaan Rabaa Inaan Dhakhtar u tago kalana tashado daawada kaadida aan joogsan sida ugu dhaqsi badan asbuuc gudihiis laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay ………
Waxaan rabaa inaan shaqo raadiyo oo bishii aan soo saaro masalan 200$ shaqa kasta oo xalaala.
Waxaan Rabaa inaan soomo maalinta isniinta iyo khamiista asbuuc walba laga bilaabo taariikhda ugu dhow ………..
Waxaan rabaa inaan Guursado sanadkan 2014 Inta aanu kala barkiisa dhaafin
Waxaan Rabaa Sanadkan 2014 inaan isku qoro Jaamacada bisha ………


Warqadda intaad dhanka kale u rogto, 6 qodob ee aad qortay, kala soo bax kan ugu horreeya, uguna muhiimsan, kuwa kaloo dhanna saamayn ku yeelan kara…Waxaanan filayaa inuu noqon doono qodobka koowaad… Kadibna isaga xoogaaga isugu gey sidaad ku fulin lahayd, ilaa aad fulisana haka harin, oo aad wadda cad saarto..
Dadaal badan ayuu kaaga baahan, wuxuu kaaga baahan adoo wax ku mashquulsan iney salaadda soo gasho.. Waa inaad faraha wax walba ka qaaddaa.. Wexey soo geli adigoo hurda, waa inaad soo kacdaa, oo samaysataa wax ku soo kiciya, niyadana ku haysaa in lagu sugayo.. Wexey u baahan weyso iyo dahaaro, iyo laga yaabee, kaadida wax aad ku celiso, waa inaad diyaarsato, shaqadaa markaad meel saarto, kuwa kalena mid mid dhanka kale ugu soo wareeji, oo marba mid xoogga saar, ilaa aad fuliso..

Waxaan Rajaynayaa saacadda aad go’aansato inaad rabbi xarigiisa qabsato, oo ku xiranto, oo gacmaha u hoorsato, oo beytkiisa shan goor kusoo siyaarato, inuu Rabbiga deeqsiga ahi wax walba ku siinayo inshallaahu tacaalaa..
Tusaalaha aan arrinkaa ka siinayo adiga iyo dadka kula mid ah ee rajada dhigay waxa weeye: kasoo qaad qof meel fog kaaga yimi, oo marti kuu noqday, oo adiga kusoo aadey, kal gacalna aad u qabtey inuu kuu yimaado, sidee u marti soori lahayd?

Qofka Masjidka gala shan goor maalintii, Allaha Deeqsiga ah ayuu martiqaadkiisa ajiibey, maxaad u malayneysaa Allaha weyn ee Deeqsigaa inuu ku marti soorayo? Mase kula tahay inuu Allaah wax la’aan dirayo? Maya Wallaahi.. Wax walba uu weydiisto iyo waxaanu weydiisanba Eebe waa siinayaa, adduunka mid uu ugu soo hormariyo iyo aakhiro mid uu ugu dhigo, iyo shar iyo belaayo mid uu kaga xijaabo..
Saaxiib ha quusan, hana is dhigan, waqtiguna kuma dhaafin nin dhalinyaraa ayaad tahay, Adduunyadu wexey macne yeelataa markeynu wexeynu u noolnahay garaneyno, ka shaqayneyno, higsaneyno ujeedooyin wanaagsan.. Qof walbana ilaahay wuxuu ugu deeqay caqli, fahmad, xoog, tabar, feker, dadaal, laakiin qaarna wey adeegsadaan nicmada ilaahay, qaarna intey derbi fariistaan oo caleen cunaan ayey maaaaaaac…..maaaaaac… Yiraahdaan, iyagoo maalin weynta riyoonaya, wax macnaana waqtiga iyo nolosha ilaahay siiyey aaney u lahayn, kuwaasuna dhulka korkiisa ayey culays ku yihiin, hawada ay qaadanayaanna waa khasaaro, waa inaad tiraahdaa: Kuwaas noqon maayee, Ilaahow hayga dhigin….

Baqqdinta guurka kaa haysata wax micnaa maleh, waa baqdin kalsooni la’aani keentay, markaad hadafka koowaad ee aad jeexatay fuliso, kalsooni buuxda ayaad heleysaa, gabadhaad doontana waad guursaneysaa inshallaah, wixii cudurana ilaahay ayaa kaa caafinaya, adiguna asbaabta daawada ayaad qaadaneysaa, waadna kaba tawbad keentay waana wax la soo dhaafay saacaddaan laga bilaabo, tartankii ayaa bilaabanaya, ee waa inoo mar kale, wabillaahi tawfiiq..


source:-bilicda.com FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada