Kenya: Dhalinyaro Soomaaliyeed oo ISIS ku biiri rabay oo maxkamad..

Kenya: Dhalinyaro Soomaaliyeed oo ISIS ku biiri rabay oo maxkamad..

daajis.com:- Masuuliyiinta dowlada Kenya ayaa sheegay iney ka walaacsan yihiin iney kordhaan dhalinyarada ka tageyso dalka Kenya ee ku biiri karta kooxda ISIS ee ka dagaalanka dalalka, Syria, Iraq iyo Libya.

Afarta ruux ee doonaysay iney ku biirto kooxda Daacish ayaa la qabtay xili ay saarnaayeen gaari ka gudbaya xuduuda dalalka Uganda iyo Kenya, waxaana la dhigay xabsiga iyagoo su’aalo la weydiinayo.

Booliska Kenya ayaa sheegay iney baadi goob ugu jiraan wiil iyo gabar kale oo la sheegay iney u talaabeen dhanka dalka Sudan, kuwaasi oo iyagana la rumeysan iney Daacish doonayaan iney ku biiraan.


Afarta ruux ee la qabtay ayaa kala ah Maxamed Qaasim, Faraj Swaleh, Cali Bwabnadi iyo Qaasim Axmed, waxayna shalay oo isniin aheyd ka soo muuqdeen maxkamad ku taala Mombasa, wallow la amray in muddo 30 maalin oo dheeri ah xabsiga lagu sii hayo.

Samuel Ouma oo ah sarkaalka baaraya falka lagu hayo dhalinyarada afarta gaareyso ayaa sheegay in Qasim, Faraj Swaleh iyo Axmed ay wajahayaan dambiyo gaar ah oo ku aadan iney falal amniga ka hor imaanaya ka geysteen gobolka Xeebta ah ee Lamu.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada