Maraykanka oo Duqayn Xagga Cirka ah ku dilay ilaa 150 Al Shabaab ah (video)

Maraykanka oo Duqayn Xagga Cirka ah ku dilay ilaa 150 Al Shabaab ah (video)

daajis.com:- Duqayn Xagga cirka ah oo ay Dowladda Mareykanka sheegatay inay habeenkii axadda soo galasay ku qaaday Deegaanka Dhariyow oo qiyaastii 60km dhinaca galbeed kaga toosan Degmada Buulo Burde Ee Gobolka Hiiraan in lagu dilay in ka badan 100 nin oo ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Wasaaradda Difaaca Mareykanka (Pentagon) ayaa waxay xaqiijisay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka, ay beegsadeen xero militari oo ay ku sugnaayeen qiyaastii 200 oo nin oo ka tirsan Ururka Al Shabaab.


Afhayeen u hadlay Pentagon-ka oo lagu magacaabo Capt. Jeff Davis, ayaa daboolka ka qaaday in 150 nin oo ka tirsan Shabaabka la xaqiijiyay in lagu dilay weerarka ka dhacay Xerada Raaso.
Afhayeenka oo maanta la hadlay Warbaahinta dalka Maraykanka ayaa tilmaamay in Mareykanku uu ka hortagey weerar culus, oo ay qorsheynayeen inay qaadaan dagaal-yahanadaasi, kuna qaadaan Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Amisom ee ku sugangudaha dalka Soomaaliya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada