Arday Masri ah oo Mareeykanka laga soo tarxiilayo markii uu dil ugu hanjabay Trump

Arday Masri ah oo Mareeykanka laga soo tarxiilayo markii uu dil ugu hanjabay Trump

daajis.com:-  Arday u dhashay dalka Masar oo dalka Mareeykanka ka barta wadida Diyaaradaha, ayaa aqbalay inuu isaga tago dalkaas, kadib markii uu bartiisa Facebooka ku faafiyay qoraal uu ku leeyahay, “Caalamku weey ii mahad celin lahaayeen hadii aan dilo Donald Trump”.

Emadeldin El-Sayed, oo 23 jir ah ayaa lagu waayay wax dambi ah, balse masuuliyiinta Mareeykanka, ayaa go’aansaday ineey tarxiilaan oo ay dalkiisa Masar u celiyaan Ardaygaan.

Saraakiisha laanta socdaalka Mareeykanka, ayaa sheegay in Ardaygaan uu aqbalay inuu si iskiis ah uga tago Mareeykanka, kahor intaan la tarxiilin.

Musharaxa Donald Trump, ayaa intii uu ololihiisa kujiray sheegay in Muslimiinta aan marnaba loo ogolaan ineey ku noolaadaan Mareeykanka

Emadeldin El-Sayed, ayaa waxaa lagu xiray xabsi ku yaala California, waxaana laga ceshtay VISAHA uu kusoo galay Mareeykanka.

Laamaha amaanka Mareeykanka, ayaa si aad ah baaritaan ugu sameeyay Ardaygaan, kadib markii uu Facebookiisa soo dhigay Sawirka Trump, islamarkaasna uu soo raaciyay qoraal sidaan ahaa.

“Diyaar ayaan u ahay in xabsi daa’in laygu xukumo hadaan dilo Trump, waxaana rajeeynaa in Caalamka ay ii mahad celin doonaan”.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:59 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada