Maamulka Jubbaland oo Soo Bandhigay Maydadka Al Shabaab ee ay Dagaalka ku Dileen (VIDEO)

Maamulka Jubbaland oo Soo Bandhigay Maydadka Al Shabaab ee ay Dagaalka ku Dileen (VIDEO)

daajis.com:- Weerarkii ay Maleeeshiyada Al-Shabaab habeen hore ku qaadeen Magaalada Afmadow, ayaa waxaa ka dhashay khasaaro dhimashada iyo dhaawaca isugu jira, Waxayna Maleeshiyada Al-Shabaab halkaasi kagag carareen tiradii ugu badnayd ee Meydadkooda ah,tan iyo intii ay bilowdeen Dagaalada Deegaanada Jubbaland.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa waaxa ay halkaasi kaga tageen maydad lagaga dilay oo gaarayay ilaa 10, waxaana sidaa u xaqiijiye Warbaahinta Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ee ku sugan Degmadda Afmadow, Sarkaalka ayaa sheegey in Weerarkani uu ahaa mid ay Maleeshiyadu ku hongowday oo Dharbaaxo culus kala kulantay Ciidamada Maamulka Jubbaland.


Dhanka ciidamada Jubbaland ayaa waxaa dagaalkaasi kagag geeriyooday ilaa 2 askari, halka dhaawacu uu gaarayo ilaa 3 kale, dhanka dadka shacabka ayay wararku sheegayaan in dagaalkaas ay waxyeelo ka soo gaartay laa kiin ilaa iyo hadda lama xaqiijin Tirada Dhabta ah ee ku waxyeeloobay dagaalkaasi.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada