Muuqaal: Gaas oo ka hadlay shabaabka qabsaday deegaanada Xeebta

Muuqaal: Gaas oo ka hadlay shabaabka qabsaday deegaanada Xeebta

daajis.com:- Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in xilligan Maamulka Puntland inuusan u baahneyn in ciidamo ka socda Amisom la geeyo deeganada Maamulkaasi, iyadoo Ciidan aad u hubaysan oo ka tirsan ururka Al Shabaab ay isku fidinayaan deegaano ka tirsan Gobolka Nugaal.

Gaas ayaa ku faanay inay isku filan yihiin oo ay la dagaalami karaan ciidamada hubaysan ee Shabaabka ka tirsan, isaga oo sheegay inuusan haynin tirada saxda ah ee Shabaabka halkaasi soo galay.


“Runtii anaga Amisom uma baahnin Dowladaha caalamka waxaan ka wada hadalnay wixii taakuleyn ah oo ciidanka SNA ee Koonfurta Somaliya jooga ay helaan inaan helno anagana, sababtoo ah Shabaab Buuraha galgala ku jira ayaan la dagaalamaynaa ama Amisom ama ciidanka Dowladda ha ahaato taageerada ay helaan kuwa la mid ah ayeey xaq u leeyihiin ciidanka Puntland.”
Gaas wuxuu tilmaamay ciidamada Shabaabka ee Gobolka Nugaal ku sugan inay ka yimaadeen dhanka Koonfurta Soomaaliya iyo Gobolada Dhexe.

“Sida aan maqleyno waxa ay ka yimaadeen Gobolada Dhexe iyo Koonfurta Somaliya koleey dhankaasi ayeey ka yimaadeen.” Ayuu yiri Gaas.

Madaxweyne C/wali Gaas ayaa wuxuu beeniyay hadalkii ka soo yeeray Wasiir ka tirsan Maamulkiisa, kaasi oo ahaa in Dowladda dhexe ay ku lug leedahay ciidamada hubaysan ee Gobolka Nugaal gaaray.

“Warkaasi war sax ah ma’ahan anigu ma aaminsani in Dowladda Dhexe ay masuul ka tahay Afcaasha Shabaab, dagaalka aan ku jirno mid la mid ah ayeey kula jirtaa Dowladda nimankaan Shabaab la yiraahdo, wada shaqeyn iyo in dalka laga celiyo weeye hadafka guud ee Dowladda iyo inaga aan ka simanahay.” Ayuu yiri Gaas oo la hadlay Idaacada VOA.

Puntland ayaa waxaa soo foodsaaray qal qal dhanka ammaanka ah, kadib markii ciidamo hubaysan oo Shabaab ka tirsan ay galeen maalintii Isniinta Deegaanka Garacad oo Gobolka Mudug kadibna ciidamadaasi ay u sii gudbeen Gobolka Nugaal.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada