Daawo:- Wiil Soomaali ah oo Tooray Ku Weeraray Xero Ciidan ee Dalka Canada

Daawo:- Wiil Soomaali ah oo Tooray Ku Weeraray Xero Ciidan ee Dalka Canada

daajis.com:- Wiil Soomaali ah oo da’diisa lagu sheegay 27 jir ayaa waxa uu tooreey la dhex galay xero lagu qoro ciidanka militeriga ee dalka Canada.

Ninkan oo Maxkamadda magaalladda Toronto ee dalka canada shalay la soo taagay ayaa labo Askari ku dhaawacay Xarun ay iska diiwaangalinayeen oo ku taalla Waqooyiga magaalladda Toronto.

Eedeysanaha oo da’diisa lagu sheegay 27-jir ayaa waxa uu ku dhashay magaalladda Monteriyaal ee dalka Canada, waxaana lagu soo oogay 9 fal-dembiyeed oo ay ku jiraan isku-day dil iyo inuu haystay hub khatar ku ah bulshadda.

Garyaqaanka ayaanle oo lagu magacaabo David Burke ayaa Suxufiyiinta ugu sheegay dibedda Maxkamadda inuu shilkaasi ahaa mid aad khatar u ah, oo uusan qofna doonaynin inuu iska yeelyeelo falkaasi.

Ayaanle Xasan ayaa waxaa la sheegay inuu magaalladda Toronto ku noolaa shantii sanno ee la soo dhaafay, mana kala cadda sababaha uu Askarta ugu weeraray Dhismaha lagu diiwaan-geliyo Askarta cusub.

Labo Askari ee la dhaawacay ayaa la sheegay inay soo gaareen dhaawacyo fudud, mana jirto cabsi ku aadan inay khatar ku jirto noloshooda.

Dhinaca kale, Ilo ku dhowdhow Jaaliyadda Soomaalida ayaa sheegay in laga yaabo inuu Eedeysanaha qabo xanuun dhinaca Dhimirka ah.

Wiilkan ayaa Cilmiga Injineernimadda ka bartay Jaamacadda “The University of Calgary” ayaa la filayaa in mar kale la soo taago Maxkamadda bishan March 18-keeda oo ku beegan maalinta Jimcaha ah ee soo socota.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada