Nin Kenyan ah oo Aabihiis ku diley saxan soor ah!

Nin Kenyan ah oo Aabihiis ku diley saxan soor ah!

daajis.com:- Haweeneey ayaa shalay Maxkamada Kakamega ka sheegtay, in wiilkeeda uu aabihiis u dilay Saxan Ugaali ah (Soor).

Christine Lumbukhu, ayaa maxkamada horteeda ku marqaati furtay wiilkeeda Vincent Makhalasia, kaaso 12-kii Bishii July 2013 aabihiis Atanas matayos, u dilay saxan Soor ah.

Lumbukhu, ayaa sheegtay ineey aaday Dukaan u dhawaa si ay Sokor uga soo iibsato, laakiin markii ay soo laabatay ay la kulantay Vincent Makhalasia, oo si xun u garaacay Aabihiis.

Lumbukhu, waxay sheegtay in Saxan Ugaali ah ay u dhigtay wiilkeeda uu ka cunay Aabihiis, taasoo keentay inuu aad uga caroodo islamarkaasina uu u dilo Aabihiis.

“Wiilkeygu waxa uu aad uga carooday sababta uu Aabihiis uga cunay Sadkiisa,-waxa uu soo qaatay Ul weyn kadibna dhowr mar ayuu madaxa uga dhuftay ilaa uu ka naf baxo” ayay tiri Lumbukhu.

Mar ay Maxkamada weydiisay Lumbukhu, ineey arkeysay markii uu wiilkeeda dilayay Aabihiis, ayaa waxay ku jawaabtay.
“Haa waan arkayay, waan arkayay, waxaa dilay Wiilkii uu dhalay, waxaa dilay wiilkeyga, markii aan weydiiyay sababta uu u dilayna, wuxuu ii sheegay inuu ka cunay Saxankii Soorta ahaa ee asiga loo reebay”.

Julius Angote, oo ah walaalka ka yar Makhalasia, oo isna maxkamada u yeertay, ayaa ka sheegay in markii uu walaalkiis ka weyn dilayay Aabihiis uu shaqo ku maqnaa.

“Waxaan helay macluumaad sheegaya in walaalkeey uu dilay Aabaheen, markii aan shaqada kasoo laabtay Aabe waa uu noolaa balse waxa uu ahaa mid nafta ku yartahay oo garaab ah”.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:22 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada