Mareeykanka oo sheegtay masuuliyada weerarkii Aw-dheegle

Mareeykanka oo sheegtay masuuliyada weerarkii Aw-dheegle

daajis.com:- Mareykanka ayaa sheegay in ciidamadiisa iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay weerareen saldhig Al-Shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Awdheegle ee gobolka Shabeellada Hoose.

Sarkaal Mareykan ah ayaa VOA u xaqiijiyey in howlgalkan oo xalay dhacay uu ahaa howl-gal lagu beegsanayey Al-Shabaab oo Mareykanka iyo dowladda Soomaaliya ay iska kaashadeen.

Maxamed Aweys Abuukar oo ah guddoomiyaha dowladda Soomaaliya ugu magacaaban Awdheegle ayaa sheegay in diyaarado qumaatiga ukaca ay qiyaastii 60 illaa 70 askar ay ku daadayeen deegaanka.

Waxa uu sheegay in ciidamadaas ay weeraren saddex saldhig oo ku yaalla magaalada, ayna khasaare xooggan gaarsiiyeen mintidiinta.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in hal dagaalyahan looga dilay weerarka, balse ay iska caabiyeen oo ay fashiliyeen.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada