Mareeykanka oo gacanta ku dhigay sarkaal ISIS u qaabilsanaa samaynta hubka Kiimikada

Mareeykanka oo gacanta ku dhigay sarkaal ISIS u qaabilsanaa samaynta hubka Kiimikada

daajis.com:- Saraakiil ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka, ayaa sheegay in horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda ISIS oo dhawaantan ay ciidamada gaarka ah ee Mareykanku ku qabteen gudaha Ciraaq in uu ahaa shaqsi u qaabilsana dhinaca hubka kiimikada kooxdaasi ISIS.

Eedeysanahan, oo aan wali magaciisa la sheegin, ayaa la qabtay isbuucii hore, waxaana la xiririntiisa hubka kiimikada ah ee kooxda Daacish, la shaaciyay Arbacadii shalay, sida ay sheegeen saraakiil gaashaandhigga ka tirsan, oo diidey in magacooda la adeegsado.

Hor-joogahan ISIS ka tirsan, ayaa lagu qabtay howl gal ay ciidamada ka sameyeen xadka Ciraaq iyo Siiriya toddobaadkii hore.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:37 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada