Wiil Soomaali ah oo Lagu dilay Magaalada Ottawa ee Dalka Canada

Wiil Soomaali ah oo Lagu dilay Magaalada Ottawa ee Dalka Canada

daajis.com:- Booliska Magaalada Ottawa ee caasimadda dalka Canada ayaa baaritaan ku haaya fal lagu dilay wiil Somali ah oo lagu magacaabi jiray Nuradin Hassan.

Marxuumkan ayaa la sheegay in habeen hore lagu toogtay meel u dhaxaysa Dugsiga Sare ee Lester B Pearson high School iyo Xarun Daryeel-maalmeed ah.

Dhaawaca Marxuumka ayaa la sheegay in loola cararay Isbitaalka, balse uu wax yar kadib ku geeriyooday Isbitaalka, maadaama dhaawaca soo gaaray uu ahaa mid aad u culus.

Booliska ayaan weli cidna u soo qaban dilkaasi, inkastoo ay sheegeen inay aad u yaqaanaan Marxuumka la dilay, isla markaana ay labo sanno ka hor u xireen dhacdo hubeysan.

Marxuumka ayaa la sheegay inuu  horey u soo dhamaystay Xabsi 19 bilood ah, kadib, markii fal-dembiyeed dhac hubeysan ah lagu helay bishii November ee sannadkii 2013-kii.
Dhinaca kale, Jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalladda Ottawa ee dalka Canada ayaa waxay shalay buux-dhaafiyeen guriga Marxumka dilka loo gaystay, si ay waalidka uga tacsideeyaan dilka Wiilkooda.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:42 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada