Maxaa ka jira waa la isku basaasaa Internet-ka?

Maxaa ka jira waa la isku basaasaa Internet-ka?

daajis.com:- Shirkadaha ugu awooda badan dhanka tiknoolajiyada (Technology) sida Facebook, Google, Apple, Microsoft iyo kuwa lamidka ah ee iibiya qalabka Internetka laga adeegsado ayaa waxa ay si is dabajoog ah u fuulaan geed dheer iyo mid gaaban ba sidii ay u ogaan lahaayeen qofkaste oo Internetka adeegsanayaa raadka uu maro iyo cida uu yahay.

Qaar badan oo kamid ah shirkadahan ayaa marar badan qirtay xaqiiqda basaaska ay ku hayaan macaamiishooda, iyada oo arinku marmark qaarkood lagu soo oogay maxkamado ka dhan ah xogta adeegsadaha oo ay si hagar la’aan ah u kaydsadaan.

Hadal haynta arinkan ayaa cirka isku shareertay sannadadii ugu dambeeyay gaar ahaan markuu shaqaalihii hore ee wakaalada sirdoona maraykanka (USA) Edward Snowdon fashiliyay siro badan oo ku duugnaa qaabka ay shirkaduhu u basaasaan macaamiishooda kadibna ugu qaybiyaan dawladaha dunida intooda ugu awooda badan.

Hadaba shirkadaha ayaa marka koowaad waxa ay ka faaidaan arinkan iyaga oo basaasa qofku marka uu internetka deegsanayo waxyaabaha uu jecelyahay iyo kuwa uu necebyahay, si ay xayaysiiska intiisa badan ugu soo bandhigaan qofku wuxuu xiisaynayo inuu iibsado halka ay ka ilaaliyaan waxa uu qofku necebyahay.

Dhinaca kale waxa ay inbadan kaga faaidaan xogaha macmiilka iyaga oo dawladaha kaga hela taageero kadib markay u gudbiyaan xogtii u kaydsanayd ee macaamiishooda, taasi oo raalli galin iyo laaluush ay uga dhigaan dawladaha reer galbeedka, kuwaasi oo iyaguna dhinacooda u adeegsada siyaabo badan sida la dagaallanka aragagixisada iyo soo qabashada dambiilayaasha.

Guntii iyo gabagabadii aqriste, laga bilaabo ilbiriqsiga aad furto mobilekaaga, tabletkaaga ma computerkaaga waxa hubaal ah in lagula socdo tallabo kaste oo aad qaadaysid, taasina mid qarsoon maaha ee waa sida ay qirteen shirkadaha kuu fidiya adeegyada bilaashka ah ee aad had iyo goor dhex mushaaxaysid. Hadaba fadlan si ay xeegona xeego u ahaato ilkana u badbaadaan markaste xusuusnow in aad wax dhib kuu keenaya soo dhigin ama faafin.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada