Qaababka Guurka iyo Dhaqamada ugu yaabka badan Dunida

Qaababka Guurka iyo Dhaqamada ugu yaabka badan Dunida

daajis.com:-1-|Guur wadaaga Tibit
Caadooyinka ama Dhaqamada ugu foosha xun ee ka jira Gobolka Lagu

magacaabo Tibit ee katirsan Dalk China ayaa ah in curadka reerka, Ama
Wiilka ugu wayn uu soo guursado gabar taasoo ka dhaxaynaysa dhamaan
wiilasha reerka oo dhan, Dhaqankaan ayaa ah Mid ka jira Gobolka Tibit
waana mid ka mid ah Dhaqamada Foosha xun ee ka jira Dalka Shiinaha.

2-Punjab dalka hindiya
Wadanka Hindiya Gaar ahaan Gobolka Benjaab ayaa Waxaa ka jira Dhaqamo

ay caan ku yihiin Gaar ahaan marka laga hadlayo Dhanka Guurka iyo
Dhaqanka Guriga, Hadaba Dhaqamadaasi Waxaa Ka mida. Waxaa halmar
dhacaayo Guurka wiilasha cida oo dhan intay ahaadaan tiradooda iyagoo
guursanaaya hal gabar oo naqonaysa xaaska wiilasha reerka oo idil ,
Cunuga ugu horeeya oo ay dhasho naagta ayaa waxaa qaadanaya curadka,
cunuga ku xigana waxaa loogu abtirinaaya kan curud ku xiga, sidaas
ayayna kusoconeysaa ilaa iyo kan ugu yar .

3-Qaab doonashada gabdhaha ee tibit
Meelaha qaar ee katirsan Gobolka tibit ee Wadanka Shiinaha ayaa ah in

gabadha la saaro geed dushiis halka gabadha qaraabadeeda ay joogaan
geedka hoostiisa iyagoo wata ulal, wiilkii raba in uu guursado
gabadhaas waxa uu u koraayo geedkaas, laakiin gabadha qarabadeeda
waxay ku garaacaayaan ulal si ay uga reebaan in uu koro geedka laakin
ninkii kora geedkaa lana fakadaa gabadhaas uu noqonaayo ninkii ay
reerka ugu kalsoonaan lahaayeen in uu guursado gabadhooda.

4-Zinada dlka hindiya

Qabiilka la yiraahdo (arbata) oo ka mid ah Qabiilada Dagan Wadanka
hindiya, ayaa waxaa ka jira Dhaqan ama caado aad u fool xun waana mid
ka mida Caadooyinka ka jira Dalkaasi, naagta kama dhalayso wax caruur
ah ninkeeda isagoo amraaya xaaskiisa in ay lasoo Jiifato nimankale
kana dhasho caruur, Dhaqanka Qabiilkaasi waxaa kasii foolxun qabiilka
la yirahdo (yashardiya) waxaa loo ogolyahay in ay xaaska ka zineysato
ama la tumato martida Nimanka Martida ah. halka qabiilka (tudaa) oo
daga konfurta hindiya waxay leeyhiiin dhaqano yaab badan halka naagta
markii la guursanaayo ay kusoo socoto jilbaheeda iyo gacmaheeda una
soo gurguurato meesha uu ninka guursanaayo joogo kana dalbato in uu
raali kanoqdo, mida yaabka leh waxay tahay markuu raali ka noqdo uu
lugtiisa madaxa ka saaraayo taaso calaamada raali ahaan shaha ah .

5-jaziirada Greenland

Badiyahooda ninka arooska wuxuu adaayaa habeenka aqalgalkiisa guriga
xaaskiisa mustaqbalka wuxuuna kazoo jiidaa tinta ilaa goobta uu ka
dhacaayo arooska.

Waa Socotaa, Laso Qeybaha Kale
W/D:Maryan Cali Cabdi (Taliso)

SOURCE:RAJO QARAN
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada