Rasaas ka dhacday Aqalka Congresska Maraykanka US Capitol oo hal ruux ku dhaawacmay

Rasaas ka dhacday Aqalka Congresska Maraykanka US Capitol oo hal ruux ku dhaawacmay

daajis.com:-  Rasaas ayaa laga maqlay halka ay dadka martida ah ka fariistaan xarunta Maraykanka ee US Capitol magaalada Washington waxaana lagu amray shaqaalaha in aysan dibada iman.

Sarkaal u hadlay Aqalka Congresska ayaa sheegay in ruuxii rasaasta riday gacanta lagu dhigey balse askari ka mid ah ciidamada ilaalada uu dhaawacmay.

Xubnaha Congresska dalka Maraykanka ayaa fasax ku maqan hase yeeshee warqad email ah oo loo soo direy ayaa digniin lagu siiyay shaqaalaha aqalkaas.

Dadka jooga banaanka aqalka ayaa lagu amray inaysan gudaha u soo galin iyadoo aysan jirin cid ka  bixi karta xarunta.

Marka la doonayo in la galo aqalka US Capitol ama dhismayaasha ku dhow dhow ayaa dadka waxa ay marayaan baaritaan adag.

Meel aan ka fogeyn aqalka Congresska ayaa waxaa ku yaal Aqalka Cad ee dalka Maraykanka loogaga taliyo waxaana ka soconaya xaflad uu dadka kula hadlayo Madaxweyne Barack Obama.

Wixii war ah oo ku so kordha kala soco .
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada